berberatoday.com
“Somaliland Dadkeedu Waxay Ka Dagaalami Jireen Kaligii Taliye Sharciga Ku Tumanaya Oo Hub Iyo Dabaabado Haysta, Markaa Kaligii Taliye Xisbi Jooga Oo Aan Hub Haysan Waa In Layska Celiyaa”Musharaxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen
April 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag uga hadlay xil ka qaadistii xubno kamid ah xisbiga Ucid sheegen inay ku sameeyeen gudoomiye ku xigeenka sadexaad Muj. Cali Guray. Waxaanu sheegay inaa laga qaadi Karin xilka gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid, isaga oo sheegay in lagaga qaadi karo oo kaliya shirka golaha dhexe maadaama hore loo doortay waxaanu yidhi “Xisbigu maaha guri uu qof leeyahay oo uu odhanayo hebel ayaan eryey oo hebelbaa iska tagay, xisbigu sharci ayuu leeyahay golaha dhexe ayaana doortay Cali Guray 28-kii October 2012-kii, cidaas gacanta u taagtay haddii ay gole dhexe mar danbe iskugu timaado oo la doonayo in xilka laga qaado halkaas ayuunbaa lagaga qaadi karaa xilka, laakiin inta ka horaysa waa gudoomiye ku xigeenka xisbiga cid ka qaadi kartaana ma jirto, markaa inan yar oo uu Faysal iska magacaabay ma anshax marin karaayo gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga.” Ayuu yidhi Musharax Jamaal oo u waramay HCTV.
Sidoo kale Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku eedeeyey gudoomiyayaasha Kulmiye Iyo Ucid inay xisbiyada ka dhigayaan hanti ay leeyihiin waxaanu yidhi “”Labada nin ee gudoomiyayaasha ah ayaa malaha guri ku tashaday oo yidhi aynu meesha ka dhigno hanti aynu leenahay markaa waxaad moodaa inay filo iskugu xidhan tahay labadooda waana wax lagu qoslo.”
Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan dacwad ugu gudbin doonaan maxkamada, waxaanu sheegay in xisbiyadii somaliland ee loo samaystay dimuqraadiyada ay dad gaar ahi iska yeesheen waxaanu yidhi “Kolay dacwadayadu maxkamada ayey tagi doontaa sida ugu dhakhsaha badan dhawaan, xisbiyadii somaliland ee la Samaystay ee loogu tala galay in dimuqraadiyada lagu sameeyo oo lagaga baxo habkii qabyaalada inay dad yeeshaan oo siday doonaan ugu tagri falaan waa nasiib daro, markaa waa in sharciga lala tiigsadaa, sharcigana nina kama wayna, somaliland dadkeeduna waxay ka dagaalami jireen kaligii taliye sharciga ku tumanaya oo hub iyo dabaabado haysta, markaa kaligi taliye xisbi jooga oo bila hub ah waa in layska celiyaa.”
Ugu dambaynta musharax Jamaal waxa uu sheegay inuu dhawaan soo xulan doono musharaxii ula tartami lahaa madaxweyne ku xigeenka waxanu yidhi “Insha allah shirka soo socda ee golaha dhexe ayaan soo bandhigi doonaa musharax ku xigeenkaygii oo aan rajaynayo in lagu ansixin doono”.
 
 
 
 
 
 
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews