berberatoday.com
Galkacayo”Oo Laba Nin Lagu Dilay Iyo Maamulka Gobolka Mudug Oo Ka Hadlay
April 13, 2016 - Written by Berbera Today

Galkacayo(Berberatoday.com)-Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay meydka labo nin oo ka shaqeynayay sida la sheegay Hotel can ah oo kuyaala magaalada Gaalkacyo, oo goor dhaw meydkooda laga helay Banaanka magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobalka Mudug Xassan Abgaalow wuxuu sheegay in aysan waxba xog ah ka heyn cidda dilkan geystay, wuxuuna sheegay in ay nimanka isagga ula muuqdeen in ay magaalada joogi jireen oo uu mid kamid ah  wajiyadooda gartay, laakiin uusan cadeyn karin halka uu ka shaqeyn jiray.

Warar soo baxay ayaa xaqiijinaya in ay labadan ninba aysan u dhalan deegaanada Puntland, ayna yihiin dadweynaha soo galay ee ka shaqeysta, ayna ka shaqeynayeen Hotel kuyaala magaalada Gaalkacyo.

Maamulka gobalku waxay cadeeyeen in sida xogaha ay ku helayaan nimankan laga qabsaday goobta shaqada,  xili ay shaqada ka baxeen, isla markaasna rag xiran dharka ciidamadu ay la tageen ka dibna saaka meydkooda laga helay duleedka Waqooyi ee magaalada.

Qoyska mid kamid ah Eheladan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dilka loo geystay shaqsiyaadkan, maadaama ay mudo dheer joogen magaalada Gaalkacyo.

Mr, Abgaalow wuxuu sheegay in dadkan la afduubay, isla markaasna ay hadda baaris deg deg ah ku wadaan xogaha rasmiga ah ee ku gadaaman dilkan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Audio Player

00:00
05:17
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews