berberatoday.com
Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shir Lagaga Hadlay Dhallinyarada Soomaalida Ah Ee Ku Biira Dagaallada DAACISH Ka Waddo Suuriya Iyo Ciraaq
April 13, 2016 - Written by Berbera Today

Bristol(Berberatoday.com)-Magaalada Bristol ee dalka Britian waxaa ka dhacay kulan ballaadhan oo looga hadlayey dhalinyarada u dagaalka taga dalalka Suuriya, Ciraaq iyo meelaha kale iyo sida looga hortegi karo.

Kulankan waxaa ka qayb galay qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed, Laamaha Ammaanka iyo Ciidamada Booliska, iyo ururada bulshada Rayidka ah.

Somaliland-and-Isis

Bulshada Muslimka ah ee dalka Britain, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa ka mida bulshooyinka ay saamaynta ugu badani ka soo gaadhay. waxaana marar kala duwan dhacda in laamaha ammaanku ay joojiyaan dadka Muslimka xilliyada ay safarada ku jiraan.

Wasiir Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ka qayb galay shirkaasi, ayaa Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ku faahfaahiyey waxyaabihii lagaga hadlayey shirkaasi

“Shirkani Muhiim buu ahaa, waxaana ka qayb-galay Dad Waayo-arag ah oo meelo kala duwan iskaga kala yimid, waxaana lagaga hadlay sidii loo wacyi-gelin lahaa Dhallinyarada Soomaalida ah ee tagaya Dalalka Dagaalladu ka socdaan ee Suuriya iyo Ciraaq ee ku biiraya Kooxaha Argagixisada ah, markaa Shirku wuxuu ahaa sidii Arrimahaa wax looga qaban lahaa.” Ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Somaliland, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Bulshada Muslimka ah, gaar ahaan Soomaalida ay Culeys weyn ku keeneen Dhallinyarada ku biiraya Dagaallamayaasha Suuriya iyo Ciraaq, “Runtii Culays badan bay ku keeneen, Culayskaas waxa ka mid ah  in Shaki badan uu muuqdo. Waxa kale oo Culays haystaa Dhallinyarada Muslimka ah ee Soomaalidu ka mid tahay, kuwaasi oo marka ay Iskuullada ama Jaamacadaha joogaan loo arkayo inay yihiin Dhallinyaro Muslimiin ah oo Xagjir ah. Waxa kale oo jira in Laamaha Ammaanka Ingiriiska, sida Sirdoonka oo il-gaar ah ku eega Dhallinyarada Muslimka ah oo Wareysiyo la yeesha, gaar ahaan marka ay Madaarrada ka soo degayaan ama ka dhoofayaan oo kale, markaa Shirka waxyaabaha lagu eegayey waxa ka mid ah Sababta keenaysa in Ilmo yar oo Halkan Ingiriiska ku dhashay oo wax bartay oo Aqoon leh uu iskugu tuurayo Meelo halis badan leh.”

Shirkan waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ingiriiska iyo Laamaha Ammaanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews