War Deg-Dega”Shirweynihii 6aad Ee Golaha Dhexe Xisbiga UCID Oo La Iclaamiyey+Guddidi Anshaxa Oo Daaqada Laga Saarey
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey wakhiga la qaban doono shir weynihii golaha dhexe ee xisbigaasi isla markaana lagu dooran doono musharax , musharax ku xigeenka xisbiga , gudida anshaxa iyo hogaanka xisbigaasi
waxaana sidaasi warbaahinta mar dhaweyd u sheegay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Sabca waxaana uu sheegay in la qaban doono shir weynihii Lixaad ee golaha dhexe ee xisbigaasi taarikhdu marka ay tahay 10.07.2016
Sidoo kale gudoomiyaha golaha dhexe waxaa uu sheegay in aanay jirin wax la yidhaahdo gudi anshax oo xisbiga uu leeyahay gudidaasna la dooan doono lana ansiixin doono marka uu shirkani dhaco isla markaana aanay awood u laheyn in ay cid xisbiga ka saarto