berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Khilaafka Xisbiga UCID Madaxtooyada Ku Xidhiidhisay, Faysal-na Ugu Baaqday Inuu Xisbigiisa Dhiso Ama Albaabka Ka Baxo
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Canada(Berberatoday.com)-Ururka la socodka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland ee lagu magacaabo Somaliland Watching Group ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen kaga hadlay khilaafka Xisbiga UCID, waxaanay warkooda ku sheegeen inay ka xun yihiin khilaafkan soo noqnoday, waxayse ku adkaysteen inaanu Faysal Cali Waraabe kali ku ahayn hurinta khilaafkan iyagoo sheegay inuu khilaafkani uu ku aroorayo madaxtooyada Somaliland halkaasoo sida warbixinta lagu sheegay ay jiraan xubno Madaxtooyada ka tirsan oo arrintani qayb wayn ka ah.

Ururkan oo xaruntiisu tahay dalka Canada kana shaqeeya la socoda siyaasadda Somaliland iyo hanaankeeda dimuqraadiyadda ayaa sidoo kale caqli xumo ku tilmaamay burbur ku yimaadda Xisbiga UCID, waxaanay sheegeen inaanu burburkaasi ku koobnaan doonin UCID balse uu saamayn ku yeelan doono xasiloonidaiyo degenaanshaha Somaliland isla markaana uu dumi doono tiir ka mid ah tiirarka dimuqraadiyadda iyo dastuurkuba.
Sidoo kale Warbixintan ayaa lagu sheegay in ururkan caalamiga ah ee shaqadiisu tahay kormeerka dimquraadiyadda Somaliland uu si xoogan u taageersan yahay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyagoo sababtana ku sheegay inuu yahay hogaamiye aragti leh isla markaana ku haboon hogaaminta dalka iyo in Murashaxnimadiisu ay waafaqsan tahay hanaanka iyo shuruucda Xisbiga UCID. Waxaa kale oo ay intaasi raaciyeen inaanu Xisbiga UCID soo baxeen haddii aanu Jamaal Cali Xuseen ka mid ahaan lahayn waa sida ay hadalka u dhigeene.
Uu dambayn warbixintan oo ay Somalilandtoday soo turjuntay ayaa lagu sheegay inay tahay inuu Faysal Cali Waraabe ka mid noqdo xubnaha Xisbiga UCID dhismihiisa ka shaqayanaya ama uu wadada cabo.
Xigasho Xogreebnews.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews