berberatoday.com
Faallo: Khudbad Sanadeedka Madaxweynahe Siilaanyo, 2016. Qaybta 5aad, Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Abdalle A
April 14, 2016 - Written by Berbera Today

Anshaxu waa waxa ugu mudan markasta oo wax la qabanaayo, ama la maamulaayo, ama cid wax la faraayo. Waa akhlaaqda looga baahan yahay inuu qof walba

Maamul Wanaag II

Madaxweyne Siilaanyo Khudbada wuxuu ku faanay inuu maamul wanaaga wax weyn ka qabtay. Qaybtan waxay daba socota qaybtii hore ee aan kaga hadlay dhinacayo ka mida waxa uu maamul wanaagu yahay iyo halka uu maamulka Siilaanyo ka taagan yahay.

 

7. Anshax (ethics)

 

Anshaxu waa waxa ugu mudan markasta oo wax la qabanaayo, ama la maamulaayo, ama cid wax la faraayo. Waa akhlaaqda looga baahan yahay inuu qof walba oo xil hayaa uu ku dhaqmo. Waxaana ugu horeysa inuu qofku ka dheeraado waxa Alle xaaraan timiyey sida tuugada, musuqa, sagsaaga, beenta, wax iswaydaarinta iyo khiyaamada. Waa inuu maan kiisa ku hayo in mar walba wax kasta oo u
falaayo Alle arkaayo oo kala xisaabtami doono. Waxase shaki la’aana qofka qoyskiisa sagsaaga ama dadkiisa, inuu ifka ceebtiisu debedda u soo baxayso oo uu dadka dhexdiisa fadeexadi ka raacayso, “macal cune soo bixi done” waa sida maahmaahi tidhee.  Waxa se marka hore waajib ah in qof ka xil ka loo egmanayaa uu yahay qof ku sifoobay akhlaaqda iyo dhaqanka Islaamka sida:QODOBKA 94AAD , faqradiisa 5aad  “ Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka loo dooranayo Golaha Wakiilada”.

Shuuradaasi waxay ku caday Dastuurka

QODOBKA 41AAD

SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA

DOORASHADA

Qofka isu-taagaya xubinimadda Golaha Wakiilada waa inuu yeesho shuruudaha soo socda:

1. lnuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka

2. Inuu Muwaadin yahay, da’diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.

3. lnuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.

4. lnuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.

5. lnaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.

6. Inuu yahay xil-kas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

 

Maadaama Golaha Wakiilada iyo Golaha Wasiirada shruudaha looga baahan yihiin isku mid tahay waxa loo waajib ah in qof kasta oo xil sare ama xasaasiyeya loo dhiibaya inuu laga helo Qodba 41 faqradiisa 1, 3, 5, 6 faqrada 4 lagu bedelo Jaamaci inuu ahaado,  mudda shan sano ah ugu yaraan khibrad ule hawsha loo egmanaayo ama mid ku dhaw.

 

Dhanka maamulka markaynu ka eegno waxa anshaxu yahay inuu qof kastaba:

a)      meersiga ku aadan xilkiisa, sida ugu haboon uu guto.

b)      hantida umadda iyo adeegyada Xukuumada daryeel kooda, dhaqidooda, taabo gelintooda, xogta muwaadininta iyo Xukuumada xejintooda, xil weyn isk saro.

c)      si amaano le, xishmad le, hawl karnimo le, farshaxanimo le  uu xilka uga soo baxo,

d)     shaqada inaanu dan gaara ugaga faa’idaysan, waqtiga shaqadana aanu wax kale ku lumin,

e)      Waa inu ka fogaado eexda, qabyaalada, qof jeclaysiga, dad iska weynaynta, waji dadab ka  iyo caga cajuglaynta.

f)       Waa inuu sharciga shaqada iyo nidaamka ka baydh baydhin.

 

Anshaxu si u hirgalo, waa in la curiyo:

a)      Hageyaal (guide) qof waliba u ka dheehan karo hufnaanta looga bahanyahay, iyo dhibta uga iman karta haduu sharciga iyo nidaamka shaqada baal maro.

b)      Qawaaniin adag oo qof kasta oo ku xadguba ansha, lagu ciqaabo oo aan jixinjix lahayn.

c)      Shaqalaha dawlada in loo furo tababaro lagu waciyi gelinaayo xilka qaranka ay u hayaan muhimadiisa, sharafta qofka shaqalaha ah, iyo sifooyinka looga baahayey in laga helo.

d)     Inuu jiro xafiis hawlaha anshaxa qaabilsan inuu dhagaysto cid kasta oo cabasho ka qabta  shaqaala dawlada, awood buuxdana ule inu baadho, dabgal ku sameeyo, dacwadna ku oogi kara qof kasta oo lagu tuhmo maamul xumo.

e)      Xafiis kaasi wuxu si wacan u shaqayn kara oo qudha haddu ka madax banaanyey Xukuumada, lana hoos geeyo Goloha Wakiilada (xaga maamulka lacagta iyo shaqaalaynta).

f)       Waxa kale oo loo baahanyey in sida si leeg Hay’adda Xuquuqda Aadana (Human Rights Office) iyo Xafiisaka Xuquuda Shaqaalaha (Labor Rights Office) laga dhigo hay’ado ka madax banaan Xukuumada oo hoos  taga Goloha Wakilada.

g)      Waa in la sameeyo Maxkamad u gaar ah arrimaha anshaxa iyo dawlad waanaaga (Court of Public Administration) iyadoo isla markaa garsoore yaashu ay noqdaan qaar ku takhasusay maamulka iyo dastuurka (constitution lawyers).

h)      Waa inuu Sharci la helo awood siinaaya Maxkamada Dawlad wanaaga in la baadho Madaxweynaha iyo cidii kale ee loo baahdo.

 

Su’aashu waxay tahay Madaxweyne Siilaanyo:

a)      Ma inooga muuqata sifo qudha oo aynu odhan karno musuq, maamul xumo, iyo eex wuu iska foogeeyey oo waa ka beri.

b)      Dadka ma isku wadaa oo dhex ma u yahay.

c)      Beelaha baalaha ma siiyey qoreygay ku leeyiin qaranka.

d)     Shaqaalaha marka la qoraayo tartan aan turxaan layahay ma loo maraa mise, wareegto madaxweyne ayaa lagu soo saaro, ayadoon waliba loo eegin inuu qof kaasi hawsha loo egmaday ka soo bixi karo iyo inkale.

Madaweyne Siilaanyo ma inoo hagaajiyey hab ay Xukuumada, dadka iyo shaqaaluhu ay ku kala baxaan. Imika arrin keenu waa: yaa laga cawdaa, yaase loo cawdaa.

 

8. Waxtar iyo karti (Effectiveness and Efficiency)

 

Waxtar (effectiveness) waxa weey in wax kasta oo Xukuumadu qabanayso, ay noqdaan wax bulshadoo aad ugu ganacdo waxtar kiisa. Maadaama ay Xukuumadu gacanta ku hayso awooda dawladnimo, hantida umadda, sharciga iyo fulinta maamumlka, waxa looga fadhiyaa inay wax kasta oo ay  qabanaysaa uu noqdo waxa ugu  waxtar ka badan ugna raandiiska deer, marka loo eego, baahida baahsan iyo hantida kooban ee lahayo. Waa inaanay noqon wax ujeedada laga leeyahay ay tahay i maqlaay i amaanay sidii looga bartay maamulkii Maxamed Siyaad Bare.

 

Mashaariicdii ugu hadal haynta badana waqtigii u Siyaad wadanka xukumaayey, waxa ka mid aha Karaashka (Crash Program), iskaa wax u qabso, Beeraha Ubaxa Kacaanka, Beeraha Guul Wadayaasha, Beeraha Ciidanka Asluubta, Beeraha (Xooga Dalka, Beeraha Ciidanka Nabad Gelyadda, Warshada Sonkorta ee Madheedhley, Beerta Bariiska, …iwm. Intaas uu mashruuc oo ku wajahnaa horumarka beeraha iyo isku filaanshaha cunada, mid qudha oo taabo galay lamahayo. Dhamaantood waxa oodaa loo jiiday, Siyaad Bare oo indhihiisu shan yiin. Mashaaricdaa waxa ku baxay maalaayiin Dollar. Hase yeeshee mid kaliya wax la taaban karo looga ma aayin. Daaraha la dhisay iyo wadada Ceerigaabo ee sida jibada le loo bilaabay iyadoon lagana baaraa degin (feasibility study), lacagna loo hayn, intay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasir Xirsi ay ka doonayeen way ka heleen; iimana muuqato inay wadada ceerigaabo si hawl yar ku dhamaanayso, muda dheerna way jiitamay doontaa, Alloo farj kale inoo bixiya mooyee.

 

Hantida sida fudud lagu bixiyey maashaaric aan aad looga fiirsan faa’idada shacabka ugu jirata, wax ka hoboonayd iyadoo biyo laanta dalka ka taagan wax laga qabto. Hadii talaabaada lagu dhaqaaqi laahaa, maanta ayey biyuhu wax weyne ka tari lahaayeen abaarta iyo haraadka dad iyo xoolaba galaaftay. Alle wuxuu inooga digay ceel goofa in guryo laga ag dhiso.

 

Dhul aan biyo la hayne waa lama dagaan, daar kasta oo goobtaa laga dhisaana waa loo ma hoydaan.

 

Kartidu (efficiency) waxay tahay in hawl kasta oo Xukuumada uu taala si habsamiya loo qabto oo ay ku dheehantay dhakhso iyo tayo. Arrinkasi wuxu koobsanayaa in hawsha in loo egmado dad takhasuus iyo waayo arrignimo ule, in loo diyaariyo qalabka ugu haboon (technology) ee hawsha lagu fulin karo. Hadii sida la yeeli waayo hawl kastaaba waxay la mid noqonaysaa sidii biriij kii Hargysa ee siniin miniin dhamaan waayey.

 

Waxtar iyo karti mashruuc lagu ma geli karo hadii aanuu jirin maamul wanaag oo Xukuumadu dhinac welba sharciga iyo nidaamka ilaali layn. Waxa imika inoo muqdaana waa musuq baahay, eex iyo qabyalaad dabar goosatay, iyo xuquudii qofka oo xukuumadu ku tumatay, qofkii juuq yidha eek a gilgishana “xidhaay, wuu xujoobay, xabad ku dhufta” sidii Sayid Maxamed Cabdille Hassan odhan jiray, ayey wax badan shabahdaa. Waxa se ugu siiyaab badan, awalba waa la oogaa inay Xeer Dajinta iyo Cadaaladu Madaxweyne Siilaanyo gacanta ugu jiraan, maantana wuxu ku darsaday Gudida Doorashada Somaliland oo shaqadood tahay inay dhex ka noqdaan arrimaha doorasha iyo inay sedexda xisbi qaran wax walba u sooraan. Sida uu Siciid Cali Muse maantaa warbaahinta u sheegay, diwaan gelintii Gobolka Maroodi Jeex dib ayaa loo dhigay muda bila. Qaraar kaa waxanu qaadanay, ayuu yidhi, annagoo tix gelinayna go’aanka Madaxweyne Siilaanyo uu noo soo gudbiyey, inkasta oo aany axsaabtu arrinkaa u dhamayn. Madaxweynuhu inuu faraha la soo gala arrimaha loo egmaday Gudida Darashada Somaliland waa arrin ka soo horjeeda Dastuurka;

QODOBKA 25AAD

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO

SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

 

Maanta waxaynu maraynaa marxalad adag oo dhimuqraadiyadii Madaxweyne Siilaanyo uu god madow ku riday. Siday doorasho xor iyo xalaala uga qabsoontaa Somaliland way adegtay, mar hadaanu Madaxweynuhu aanuu dhawrayn Dastuurka iyo Sharciga wadanka u yaal. Maanta wuxu isku darsaday Xeer Dejinta, Cadaalada iyo Gudida Doorashada. Wuxu yidhi ninkii jirey intu bali dhooqa isa soo dul taagay: “biyahan dushooda arkaa, hootooduna waa dhooqo”.

 

La soco qaybta 6ad.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews