berberatoday.com
Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Kutagay Laascanod Xadhigana Kajaray Ceel Biyood
April 14, 2016 - Written by Berbera Today
Laascanod(Berberatoday.net)-Wasiirka Khayraadka biyaha Jamhuuriyada somaliland Baashe Cali Jaamac oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socday Laamaha kala duwnan
ayaa socdaal shaqo ku soo gaadhay Gobolka Sool,waxa ayna Xadhiga ka jareen Mashaariic
Horumrineed oo ay ka mid ahaayeen Ceel biyood Casri ah oo laga hirgeliyey Magaalada Adhi-cadeeye,
sidoo sale wuxuu dhagax dhigay Mashruuc Biyo gelinta degmadda Yagoori,kaasi oo Biyaha laga soo jiiidi doono
Masaafo 9KM ah.

Intaas kedib waxa waftidan wasiirka Khayraadka Biyuhu ay usoo dhaqaaqeen Dhinaca Magaaladda Laascaanood,
Waxaana soo dhawayn aad u balaadhan u sameeyey bulshadda qaybaheeda kala duwan,waxa uuna socod ku maray
Shaaaracyadda Waweyn ee Magaaladda isagoo ugu danbayntiina kula ballaadhan la qaatay Bulshadda qaybheheeda kala duwan,
Waxaana kulankaasi ka hadlay Odayaasha iyo Wax garadka Gobolka Sool,waxaana masuuliyiinta maamulka gobolka sool iyo degmadda
laascaaoodba ay wasiirka uga warbixiyeen Xaaladda Guud.

Baashe Cali Jaamac Wasiirka Khayraadka Biyaha oo ka hadlayey kulankii uu Bulshadda Laascaanood la qaatayayaa sheegay
In Wasaaradiisu ay Magaaladda Ka qaban doonto Mashaariic Horumarineed oo dhanka Biyo Gelinta Magaaladda aah.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku weheiyey Masuuuliyiin ay ka mid ahaayeen Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex,Xildhibaano Golaha
Guurtida ka tirsan iyo SIdoo kale Saraakiil ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Waa socdaalkiisii u horeeyey ee uu tan iyo intii la magacaabay uu ku yimaado Gobolka Sool,Walow uu hore socdaal Nabadeed
uu ku tagay Degmadda Taleex ee Caasimadda u ah Gobolka Cusub ee XAYSIMO.

Maxamed Cismaan Cabdinuur
Laascaanood

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews