berberatoday.com
Somaliland Oo Daraasad Ku Samaynaysa Deeqaha Caalamku Ugu Talo-galay Ee Jeebka Soomaaliya Ku Dhaca Iyo Cadadka Ay Ka Hesho Mashruuca Hiigsiga Cusub Iyo Sida Loo Isticmaalo
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaa Lacagta Barnaamijka Hiigsiga Cusub la innaga siiyaa 9%, intaasina Cidlo ayay ku dhacdaa, markaa…” Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo kaashaneysa Aqoonyahanno ka tirsan Jaamacadaha Dalka qaarkooda, ayaa daraasad ku samaynaysa Deeqaha Beesha Caalamku siiyaan Dalka Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto, si Lacagaha Beesha Caalamku Somaliland ugu Talo-gashay loo helo.

Daraasaddan oo muhiim ah, ayaa waxa si wada jir ah u samaynaya Guddi ka kooban Shan Xubnood oo ka kala socda Saddex Jaamacadood oo ku yaalla Hargeysa iyo Laba Xubnood oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana sida Qorshuhu yahay si hufan daraasaddan loogu eegayaa Dhaqaalaha Beesha Caalamku ugu Talo-gashay Somaliland ee lagu Cuno Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ah ee Somaliland Mr. Cumar Rooble Ci’dheere oo arrimahan uga warramay Wargeyska Himilo, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Guddiga ay sameeyeen ee samaynaya Daraasaddan, ayaa yidhi, “Waxaanu samaynay Guddi ka kooban Saddex Qof oo ka socda Saddex Jaamacadood oo dhiga Culuumta Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah iyo laba Qof oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Guddidaa waxa ku jira Guddoomiyaha Jaamacadda New Generation, Hormuudka Kuliyadda Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Jaamacadda Gollis iyo Agaasimaha Machadka Daraasaadka Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, Saddexdaa Xubnood waxay matalayaan Jaamacadaha, Aniga iyo Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadduna waxaanu mataleynaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”

Agaasimaha oo sharraxaya Ujeeddada Guddidan loo sameeyay, ayaa yidhi, “Waxaanu isugu imanaynaa Shirkii u horeeyay ee aanu ku meel-marinaynay Qodobbada aanu isla garanay.”

Warka 1-aad

Agaasime Cumar oo hadalkiisa sii wata, ayaa faahfaahiyey qodobbada bud-dhigga u ah hawsha Guddidan loo sameeyay, “Afarta Qodob ee aanu ka doodnay ee aanu isla garanay waxay kala yihiin sidii ay Jaamacaduhu nooga caawin lahaayeen Siminaarro aanu qabanayno iyo doodo ku saabsan Ictiraafka Somaliland iyo Dariiqa ugu saxan ee loo mari karo, Qodob kalena wuxuu ahaa inaanu isla eegno Deeqaha ay bixinayaan Beesha Caalamku, Waayo? sidaad ka War-qabtaana waxaa Soomaaliya la siiyaa Deeqo loogu Magac daray (New Deal), Barnaamijkaasi wuxuu leeyahay Ahdaaf lagu gaadhi karo Nabadgalyo iyo Amni, markaa innagu Ammaan waynu haysanaa oo waxaynu joognaa xilligii Horumarinta, markaa Lacagaha Caalamku bixiyo waxa la siiyey oo loogu talo-galay Soomaaliya oo dhan (oo Somaliland ku jirto), laakiin Lacagtaasi waxay ku baxdaa la dagaalanka Al-shabaab ee Soomaaliya, innagana waxa Lacagtaa la innaga siiyaa 9%, intaasina Cidlo ayay ku dhacdaa oo waxba la inooguma qabanin. Markaa waxaanu doonaynaa inaanu daraasad ku sameynno sidii aanu Lacagahaa qaybteenna u so dhacsan lahayn oo aanu samaysanno Siyaasad aynu Soomaaliya wax kula qaybsanno iyo haddii aynu Lacagahaa qaybteenna soo goosanno Farsamadii aynu u maamuli lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa Daraasaddaa aanu Jaamacadaha wada samaynayno wixii ka soo baxa ayaanu ula tageynaa Wasaaradaha ay khuseyso, sida Wasaaradda Qorsheynta, Arrimaha dibadda iyo Hay’daha kale ee Dawladda ee khuseyso.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews