berberatoday.com
Ururka Vosomwo oo Warbixin Ka Soo Saaray Heerka Takoorka Isir ee Beelaha Gabooye Guulaha ay Ka Gaadheen Iyo Qorshayaasha Hiigsiga Ee Doorashadda Soo Socota!
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War-murtiyeed ay soo saaray Ururka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Beelaha Gabooye ee la Haybsooco ee Vosomwo, ayaa lagaga waramay waxqabadka Ururka iyo sidoo kale, hawlaha weli qabyada ah ee Ururka u yaala, iyagoo ka hadlay doorka ka qaybgalka siyaasada ee beelahani ay tahay mid muhiim ah. Qoraalka ay soo saareena waxa u qoran yahay sidan;

“..Ujeedo: Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo bixi doona Warbaahinta maxaliga ah, oo ku saabsan dhiirigelinta xaquuqda ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda dalka ee Beelaha la hayb-sooco, waxa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka Beelaha dhaqanku Naafeeyay. “Voice of Somaliland Minority Women Organization” (VOSOMWO), waxana maalgelinta ka taageeray hayada NED. Ururka Codka haweenka dadka Laga tirada badan yahay ee Voice of Somaliland Minority Women Organization (VOSOMWO) waa Urur wadani ah oo ay asaaseen haween u kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, waxaanu hiigsanayaa in dadka la haybsooco ama beelaha dhaqanku Naafeeyay.gaadhaan maalin ay lasimanyihiin walaalahoodakale oo ay qadarin iyo sinaan dhinac walba leh kala sinaadaan bulsho waynta reer Somaliland ee ay ka mid ka yihiin, lana wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed ee loo wada siman yahay. Hadaba ururka VOSOMWO mudooyinkii udanbeeyay wuxuu ku hawlanaa sidii beelaha dhaqanku Naafeeyay ay u heli lahaayeen xuquuqdooda asaasiga,ah sida waxbarasho,caafimaad fursado shaqo isla markaana ay uga qayb-galilahaayeen siyaasada dalka, iyadoo taalo galaayo shirar iyo tababaro kala duwan kuwasoo qabanayey dhamaan gobolada jamhuuriyada Somaliland taasoo aanu kaga hadlaynay sidii ay dadkan laga tirada badan yahay, ama Beelaha dhaqanku Naafeeyay ay uga qaybgali lahaayeen Doorashooyinka dalka isuna soo sharixi lahaayeen xiiliga.

Haddaba, dadaalo badan oo la sameeyay kaddib waxa lagu guulaystay inay dadkani ka baxeen takoorkii ay ka takoornaayeen walaalahooda kale, taasoo hada ay kor u kaceen marka la eego dhinacyada waxbarasha iyo shaqooyinka oo ay jiraan dhalinyaro badan oo beelahaas ka soojeeda oo waxbaratay iyo kuwa dawlada u shaqeeya iyo sidookale haayada caalamiga ah, haseyeeshee ilaa hada waxay kamaqanyihiin oonay kamuuqanin dhinacii siyaasada oo ahayd tan ugumuhiimsan maadaama ay tahay meeshii dalka laga maamulayay.

Ugudanbayn hadaanu nahay ururka Vosomwo waxaanu soojeedinaynaa maadaamay dadkani doorashadii kusoo bixikariwayeen in lasiiyo tixgalin gaar ah taas oo ah in loo xidho kooto, maadaama madaxweyna jamhuuriyada Somaliland mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo, uu kagadhawaaqay golaha Baarlamaanka hortooda kanacodsaday inay ansixiyaan kootada beelaha gabooye, waxaanu marlabaad kacodsanaynaa mudaneyaasha golahawakiilada gaar ahaan gududiga katalabixinta saami qaybsiga xubnaha baarlamaanka ee gobolada, inay hoos u eegaan, tixgalin gaarana siyaan beelahaas ayadoo loo eegayo gobolada ay degaan beelahaasi in loogu daro hal lama xildhibaan gobolkasta maadaama ayna latartamikarin dadkale dhawrjeer oo horena ay tijaabiyeen kuna soobixiween. Sidan ka warhayno waxa baryahanba xog uruurin ugu maqnaa gobolada dalka gudi hosadka arrimaha gudaha iyo amnigu ee golaha barlamaanka JSL , xog –ururintas oo ku saabsan Saami-qaybsiga kuraasta Baarlamanka ee gobolada dalka ,gaar ahaan beelaha dhaqanku Naafeeyay iyo haweenka. Waxan u soo jeedinayna gudi hosaadka arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha baarlamaanka JSL . in ay warbixinta ay soo sarayaan si mugleh hoos ugu eegaan, islamarkaasina aad xooga saartaan wax ka qabashada arimaha ka qaybgalka siyaasada ee beelaha dhaqanku Naafeeyay. Waa in ay warbixintooda ku daraan in la Ansixiyo xeerka kootada ka qayb-galka siyaasada dalka ee beelaha dhaqanku Naafeeyay iyo haweenka. In la sameeyo nidaam cad saamiga qaybsiga kuraasta dalka oo dhan si aan beelaha dulman iyaguna isku dulmin. In mudnaanta kowaad la siiyo beelaha dhaqanku Naafeeyay iyo haweenka saami qaybsiga kuraasta ay ku yeelanayaan goleyaasha baarlamanka, iyo guurtida. Waa in Xisbi Kastaa Barnaamijkiisa Siyaasaddeed Ku Darsadaa Saamiga Beelaha dhaqanku fogeeyay iyo haweenkuba ay ku yeelanayaan xisbi kaste In xisbi kastaa kuraasta xayiman ama kootada ah u qoondeeyaan beelaha dhaqanku naafeeyay iyo haweenka.

waxaan u soo jeedinayno golayaasha sharci-dejinta iyo xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyn Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo dhammaan bulsho weynta jecel sinaanta iyo cadaaladda waxaannu u soo jeedinaynaa in ay nagala qaybqaataan sidii kootada loo hirgelin lahaa oo ay u noqon lahayd mid meel mara ah .hadaba waxa aan cod dheer u baaqaynaa golaha wakiilada in sida u dhakhsa badan ay u darsadaan anjadayaasha kalfadhiyadooda igu darsadaan xeerka kootada ee u saamaxaya ka qaybgalka siyaaada ee beelaha la haybsooco iyo haweenkaba ,golaha wakiilada waxa xusidoonta taariikhda hadaba sida ay ka yeelaan beelahan walaahooda ah ee ka maqan siyaasada iyo talada, isla markaana looga faa’iidaysto xirfadahooda iyo kartidooda guud ahaan, taas oo ay wax weyn ku biirin karaan wanaagga iyo horumarka guud ee dalka.

Allah Mahad leh. Vosomwo Hargeysa Office/ Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews