berberatoday.com
“.. Waxa Dalku Gacanta u Galay Tuug, Tuug Kalkaal, Dilaal, Malaal Iyo..”.Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Saaxil ayaa sheegay in masiirka tallada iyo Khayraadkii Somaliland uu gacanta u galay Xukuumadda iyo ganacsato isku xidhay, isla markaana xukuumad iyo ganacsato waddanka ka shaqaysaanaaya, waxa kaloo, Xildhibaanku intaa ku daray in kooxahaa xulufadda ahi ay burburiyeen Golayaashii Qaranku lahaa iyo Saxaafaddi madaxbanaan, oo iyana ay ku qarqiyeen Lacago badan si aanay xaqiiqada u sheegin ama uga waramin.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo warfidiyeenada shalay kula hadlaayey xarunta Golaha Wakiiladda, waxa uu ka hadlay arrima dhawr ah oo ay kamid yihiin hadal Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku daray dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, xidhiidhka cusub ee dhowaan xukuumaddu la bilowday Dawlada masar, wadahadalada Somaliland iyo Somaliya iyo doorka xubno kamid ah ganacsatadda Somaliland ku leeyihiin tallada, Siyaasadda iyo khayraadka dalka.

Haddaba Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, “..Xukuumada iyo tijaartu haddii ay isku xidhan, cidhibteena dib loo arki maayo. Waayo dalku wuxuu gacanta u jira dawlad shaqaysanaysaa iyo taajir shaqeysanayaa. Tusaale ahaan, golayaashii Qaranka, dambaa laga siiyey, Saxaafadiina Lacagbaa loo wada dhiiboo, iyana dambaa laga siiyey. Waxa dalka usoo hadhay tuug, Tuug kalkaal, Dilaal, Malaal iyo Beenaale, waar ilahay dadka muu odhan Fiqiir ha wada noqdaan, waayo hadii la yidhahdo inta maanta joogta wax walba ha iibsato, War berri Ilahay miyaanu Idinka wax idin siin karin aad waxku Iib sataan..”.

Geesta kale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey Siyaasadda arrimaha dibedda, xidhiidhka cusub ee dawladda Masar iyo hadalkii Gudoomiye Muuse Biixi ee Gobolka Saaxil mar kale waxa uu yidhi, “..Masar-baa timi oo aad ogaydeen waxa ay ina badday (Dagaalkii Siyaad Bare iyo SNM) waar danta Masar aniga maxaa iga galay, teenna ayaa mudnaanta leh marka waxaan leeyahay Masar No, Wadahadallada Somaliya No.

Hadalkii Muuse Biixi ee Berbera Muuse Berbera kama foggaa, waxanse leeyahay Nin-na afkiisa lagama Xaal siiyo. Dee Muuse kursi baanu doonayn, oo hadafkii u lahaa qaranka wuu ka gaadhay..”. ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews