berberatoday.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Walaac La Sheegay In Caalamku Ka Qabo In Mar Kale Dib U Dhac Ku Yimaaddo Doorashooyinka Somaliland
April 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Warar Warbaahinta gudaha qaarkood qorayeen Maalmihii u dambeeyay, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in Beesha Caalamku ka walaacsan tahay in mar kale ay dib u dhacaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland.

Warka Wasaaradda Arrimaha DibaddaWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay jirin wax Walaac ah oo Beesha Caalamku ka qabto in Doorashooyinka Somaliland mar kale dib u dhacaan, isla-markaana aanay jirin Sabab looga walaaco Dib u dhac yimaadda, maaddama buu yidhi uu Madaxweyne Siilaanyo dhowr jeer ku celceliyey in aanay dib u dhaceynin.

Wasiirka oo Shalay u warramayey Wariye Xasan Maal Dhidar oo ka tirsan Telefiishanka Somali Channel, ayaa isaga oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Madaxweynuhu dhowr jeer buu caddeeyay in Doorashadu dhaceyso 27 March, 2017-ka, Madaxweynuhu arrinkaa wuu ku adag yahay, Qaran ahaana way nooga go’an tahay, wax walaac ah oo arrinkaa laga qabaana ma jiro.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Anigu waxaan dhawaan ka soo noqday Kenya, Dad madax ah oo badana waan la kulmay, Cid walaac ka muujisayna ma jirto. Haddii ay Walaaca keentay bisha Dib loo dhigay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taa Runtii Duruuf baa keentay, waayo? Waxaynu galnay Marxalad waxaynu haysannaa aanay u qaybsami karin inaynu dhinacna ka hawl-gallo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, dhinacna aynu u maareynno Abaaraha innagu habsaday ee Dadkeena dhibaatada badan soo gaadhsiisay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in si Madaxweynuhu Dadka Shakiga uga saaro uu soo jeediyay in wax laga beddelo Xeerka Doorashada isla-markaana muddadii lagu diyaarin jiray Cod-bixiyeyaasha oo ahayd Lix bilood ka hor Doorashada laga dhigayo lix bilood gudaheed, “Dadka arrintaa Shakiga ka qaba si loo qanciyo waaka Madaxweynuhu yidhi si aanay arrintaasi Caqabad inoogu noqonin Xeerkii Diwaangelinta oo hore u ahaa in Lix Bilood ka hor Doorashada lagu Diyaariyo geeddi socodka Diwaangelinta Cod-bixiyeyaha, waxa Xeerka lagu beddelay Muddo Lix bilood gudaheed ah, markaa taasaa meesha ka saareysa wixii Shaki ah ee jira.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews