berberatoday.com
Akhriso War Murtiyeed Xisbiga Waddani Kaga Hadlay Xaalada Dhalinyarada Somaliland
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

WAR-MURTIYEED:

Ujeedo: Garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Dhallinyarada Somaliland

Garabka dhallinyarada heer-qaran ee xisbiga WADDANI, wuxu walaac xoog leh ka muujinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada Somaliland oo  muddooyinkii danbe si aad ah uga tahriibaayey wadanka, ka dib shaqo la’aan baahsan, qaraabo-kiil  iyo daryeel-la’aan ay kala kulmeen xukuumadda talada dalka haysa ee Kulmiye.

Xisbiga WADDANI, mar walba isaga oo ka duulaya daryeelidda iyo ilaalinta dareenka waddaniyadeed ee dhallinyarada, wuxu si mug leh u dhalliilayaa qorshe la’aanta xukuumadda Kulmiye ay ku wajahdo dhallinyarada Somaliland, waxaana suuqyada iyo maqaaxiyaha shaaha fadhiya kumanaan ka mid ah dhallinyaraddii ka qalin-jabisay jaamacaddaha dalka   oo u shaqo la’ qorshe la’aan , eex, qaraabo kiil, musuq-maasuq iyo danayn la’aan ay kala kulmeen xukuumadda Kulmiye oo wax ku xulata hayb iyo nin jeclaysi.

Wasaaraddii qaranka uga masuulka ahayd siyaasadda dhallinyaradu, waxay noqotay magac lagu mushahar qaato oo aan manfac iyo macne ugu fadhiyin dhallinyarada, waxaana ay ku fashilantay dhammaan qorshayaashi mustqabal ee ay siyaasaddeeda masuulka ka ahayd oo dhan. Iyada oo ay ugu danbeeysay oo marag fur ay innoogu filan tahay ugu koobkii gobollada halkay la mareen.

Dhibbaatada Shaqo-la’aanta:

Sida ay khubarada dhaqaale-yahannadu sheegaan, shaqo-la’aantu waa aafo qaran, balse hadana waxa ay isku raacsan yahiin in aan la tir-tiri karin, waxaana ay khubarada dhaqaale-yahannadu aamminsan yihiin in kaliya uun la yarayn karo heerka shaqo-la’aaneed ee bulsho, waxaana aynu ka war qabnaa in guud ahaan ay waddanka ka jirto shaqo-la’aan aad u baahsan gaar ahaan dhallinyarada kumaan-kunka ah ee sannad walba ka soo qalin-jabiya jaamacadaha dalka taasi oo saamayn xoog ah ku yeelatay rajadoodii mustaqbal ee ay hiigsanayeen iyo guud ahaan qaranka Somaliland.

Dhallinyaradu waa xoog dihin una diyaar ah sidii looga faa’idaysan lahaa, waxay waddanka ka yihiin ilaa 70%, waa qaybta ugu badan ee bulshadeenna, waxaana hubaal ah in haddii aan loo samayn qorshe lagu abuurayo fursado ay shaqooyin ku helaan sannad walba dhallinyarada jaamacadaha ka soo qalin-jabinaysa ay abuuri karto in xooggaa dihin ee aan laga faa’iideysan ee dhallinyaradu uu keeno in ay mar uun ay ‘fulkaane’ inagu noqdaan, taas oo sababi karta in ay ka dhalato falal ammaan-darro ah iyo arrimo kale oo badan oo aan mustaqbal ahaan innoo fiicneyn.

Xukuumadda Kulmiye, waxa ay u muuqataa mid aan ilaa hadda  dhaadanayn dhibaatada ay abuuri karto shaqo la’aantu iyada oo tan iyo waagii ay talada dalka qabteen aanay la iman wax qorshe ah oo dhallinyarada Somaliland looggu abuurayo fursado shaqo, waana ayaan-darro in xukuumadda Kulmiye ay illowdo dhallinyarada Somaliland oo waagii ay mucaaradka ahayd si aad ah ay ugu ololaysan jirtay in ay wax u qabanayso.

Dhibaatada Tahriibta

Tahriibtu, waa aafooyinka qaran ee muddooyinkii danbe sida aadka ah inoo saameeyey, waxa maalin walba badaha iyo saxaraha Liibiya ku dhinta dhallinteennii, xooggeennii, ubadkeennii iyo caruurteennii oo markii ay shaqo iyo daryeelidba ka waayeen dalka u boqoolay waddammo kale oo Ajnabi ah si uga baxaan rajo-beelka.

Dhallinyarada Tahriibta, waa kuwii xoogga iyo aqoonyahanka u ahaa waddanka, waa kuwii la doonaayey in la daryeelo si ay xooggooda dihin ay uga faa’ideeyaan dalka balse waxa awooddoodii ka faa’idaysanaya waddammo kale oo Ajnabi ah. Waad qiyaasi kartaan waddan dadka intiisii xoogga ahayd ay ka tahriibayso cidda iskugu soo hadhaysa! Waxa iskugu soo hadhaya waa Aabboyaal, Hooyooyin, Awoowyaal iyo Ayeeyooyin, aan awood badan u lahayn in ay soo saaraan khayraadka iyo wax-soo-saarka waddanka.

Garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani, wuxu mar kale walaac xooggan ka muujinayaa aayaha danbe ee waddanka maa-daama ay dhallintii ay u tahriibayaan waddammo kale oo shisheeye.

Gunaanad/Tallo Soo Jeedin:

Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI, isaga oo walaac ka muujinaaya xaaladda dhallinyarada sida oo kalena ka hor tegaaya hadimo kasta oo ku xeeran mustaqbalka dhallinyarada Somaliland, waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda, hay’addaha daneeyaha arrimaha dhallinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta Somaliland in ay badbaadiyaan sida oo kalena ay la yimaadaan qorsheyaal lagu horumarinaayo laguna daryeelayo dhallinyarada Somaliland.

Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, waxa uu sida oo kale uu  ugu baaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu dib-u-eegis iyo dib-u-habeyn uu ku sameeyo wasaaradda fadhiidka ah ee dhallinyarta iyo ciyaaraha, oo hagar-daamo ku ah qaranka Somaliland.

Waxa kale oo garabka dhallinyaradu ugu baaqayaa madaxweynaha in uu iyadana dib-uu-eegis ku sameeyo siyaasadda horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan sanduuqa horumarinta dhallinyarada oo aan wax horumar ah ka geysan duruufaha ku xeeran dhallinyarada isla markaana uu hada hafrid iyo hugun beena ku yahay dhallinyarta Somaliland.

Ugu dambeyntii, garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI, waxa uu soo dhaweynayaa tallaabo kasta oo looggu hiilinaayo mustaqbalka iyo horumarka dhallinyarada Somaliland, sidoo kalena lagaga hortegaayo tallaabo kasta oo lagula tacaalayo dhibbaatooyinka shaqo la’aanta iyo tahriibta.

 

 

Af-hayeenka dhallinyarada Xisbiga WADDANI

Maxamed Sidiiq Dhamme.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews