berberatoday.com
Hadda Baahida Abaaraha Waxa Dabooli Kara Hal Konteenar Oo Macdanta Simoodi Laga Qodo Ah
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal waxa laga dhisay warshad lagu safeeyo macdan kala jaad jaad ah oo u badan nooca loo yaqaano Beryl iyo Titanium oo dhulkaasi laga qodo.Warshaddan waxa maamula nin Shiine ah oo la baxay magaca David kaasoo sheegta inuu ka wakiil yahay shirkad la yidhaahdo African Resources Corporation oo aanay jirin meel ay ka diiwaan gashantahay oo aan aheyn wasaaradda Macdanta ee Somaliland.Hasa yeeshee baadhitaan saxaafadeed(investigative journalism) oo uu dhawaan sameeyey  wariyaha madaxabanaan ee Maxamad Amiin ayaa daboolka qaaday xogo tilmaamaya in David yahay nin u shaqeeya Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale isla markaana  in shirkadda African Resources Corporation ay wada-leeyihiin masuuliin sar sare oo ka tirsan xukuumadda .

 

Macdanta ay warshaddani soo saarto nooc ka mid ah ayaa marka la sifeeyo(processed) loo dhoofiyaa dalka Shiinaha waxaana la kala siistaa halka kiiloo ee safaysan lacag kor u dhaafaysa $7000 iyadoo dekadda Berbera lagaga qaado konteenaro .Waxase xusid mudan in shixnad kasta ay wasaaradda Macdantu u sameyso waraaqo (manifest) ay  ku qorto inay tahay macdan saambal (sample) ah.(waxa lagu cabeeya konteenaro 20 ton qaada).

Miyaan hal konteenar oo macdanta Simoodi ahi dabooleen baahida ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday ee dad iyo duunyaba galaaftay? Suuaashu waxay tahay talow maxa loo waayey cid ka hadasha khayraadkan la biliiliqaysanayo iyadoo waliba lagu jiro xiligii ay dadku ugu jilicsanaayeen uguna baahida badnaayeen?  Jawaabta suaashaasi waxa weeye cidkastoo hadli laheydba  Davidbaa aamusiiyey.Tii Allena maqan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews