berberatoday.com
Madaxtooyadda Oo Difaacday Sharciyadda Dhimista Uu Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyay Kharashaadka Miisaaniyadda Sannadkan 2016.
April 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo waraysi gaar ah siiyey wargeyskan Geeska Afrika ayaa si adag u difaacay wareegtadii uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray dhimista kharashka ku jiray Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016ka.

afhaeen

Afhayeenu waxa uu diiday in go’aankani ahaa mid lagu degdegay, isaga oo sharraxay sida uu madaxweynuhu uga baaraan degey qaadashadiisa iyo dariiqa uu u maray sharcinimadiisa.

Warkan afhayeenka madaxweynaha Somaliland oo daba socda hadal khamiistii dorraad ee 14ka Abriil uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku sheegay in wareegtadaasi ay sharciga baal-marsanayd.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) oo ugu horreynba sababaynaya go’aanka ay wareegtadani ku soo baxday waxa uu Geeska Afrika ku yidhi, “Madaxweynuhu markii uu arkay duruufta dalka ka taagan, markii uu arkay abaarihii adkaa ee dadkeenna haystay, waa kii hore uga soo saaray in dib loo dhigo Diiwaangelinta, isaga oo dadkiisa ka fikiraya, si awoodda loo saaro taakulaynta iyo gurmadka dadkiisa tabaalaysan ee Abaaruhu ku habsadeen, oo xitaa Madaxweynuhu waa kii Golaha Wakiilada u gudbiyey in doorashada la qabto lix bilood gudahood Diiwaangelinta kadib, halka ay markii hore ka ahayd lix bilood dabadeed, markaas Madaxweynuhu dadkiisa iyo dalkiisa ayuu ka naxayaa lexe-jeclo badanna ka haysaa, sababtaas ayaa keentay in kharashaadka Miisaaniyadda 25% la dhimo”

Mudane Shamax oo uu Geeska Afrika ku celiyey su’aal la xidhiidha in wareegtada madaxweynuhu ay sharciga ku shaqada leh waafaqsan tahay ayaa ku jawaabay, “Madaxweynuhu, Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waa ruug-caddaa muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya, waa khabiir ku xeeldheer dhaqaalaha, waana u xogogaal duruufaha dadkiisa haysta. Madaxweynuhu ma’aha Digtaytar iyo Kaligii Taliye, Digreetadanna aad iyo aad ayaa uu uga fiirsaday, aad ayuu uga baaraan degay, kumuu degdegin ee wadatashi ayuu ka sameeyey, waxa uu la tashaday xukuumaddiisa iyo La’taliyayaashiisa hawshan u qaabilsan, sidaas ayuuna Digreetada ku soo saaray, waxaana Madaxweynuhu xaq u leeyahay marka uu arko xaaladdan oo kale inuu talaabo degdeg ah qaado, talaabo sharciga ka hor imanaysaana kumuu dhaqaaqin” Mudane Afhayeen Shamax oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi, “Kharashaadkii Miisaaniyaddii oo dhan lama wada dhimin, ee waxa la dhimay boqolkiiba shan iyo laabtan (25%), waxaana la dhimay, walibana meelihii daruuriga iyo muhiimka ahaa lagama dhimin, lamana taaban ee, waxa la dhimay meelihii aan daruuringa ahayn sida dhismayaashii socday, haddii baahi timaaddana dib ayaa loogu noqonaya, oo dib ayaa loo eegaya tixgelin iyo mudnaanna waa la siinayaa meelaha ay baahiyi ka soo korodho”

Mudane Shamax ugu dambayntii waxa uu mar kale ku celiyey qodobkii hore wareegtada madaxweynaha ugu caddaa ee sheegayey halka laga kabi doono miiisaaniyadda ta sannadkan laga dhimay, waxa aanu yidhi, “Dhimista kharashaadkan waxaa laga kabi doonaa haddii ALLE idmo Miisaaniyadda dambe, mana habboona in wax walba la dhaliilo”

 

Xigasho Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews