berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Dib U Bilaabay Weerarkii Uu Ku Hayey Sandalada Subeer Awal
April 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa dib u bilaabay colaadda iyo iska hor keenka Sandaladda Guunka ah ee Subeer Awal, dhawaan ayay ahayd markii Muusaha Mulmiye uu soo fara galiyay sandaladda subeeriyada ee lama taabtaanka ah.

 Waxaanu bilaamay in uu samaysto Suldaan gacan ku rimis ah oo uu ku adeegto, balse arinkaasi waxaa ka dareen celiyay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland waxaanay tilmaameen in Subeer Awal leeyahay Hal Suldaanka kaliya oo ah Suldaaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye, isagana loo daba-fadhiisanayo talladda reerka.

Iyada oo dhabar jab ku noqotey Muuse Biixi iyo cidii uu watay taageeradaasi laxaadka lahaa iyo garab istaagaasi uu ka helay guud ahaan bulshada Somaliland ee joogta gudo iyo Dibadba.

Colaadan uu Muuse Biixi u hayo ila Suldaan C/laahi iyo guud ahaan sandalada Subeer Awal ayaan la aqoon halka ay salka ku hayso.

Muuse Biixi ayaa dib u bilaabay in uu soo istaadho Suldaan lagu sheegay in uu matalo Subeer Awal oo

Uu dhawaan Muuse Biixi ku cumaamaday Hargaysa, kaasi oo Muuse Biixi marka uu shirka uu la galyo qaybaha bulshada isa soo ag-fadhiisiya suldaankan gacan ku rimiska ah ee uu ku bahdilayo sandalada soo Jireenka ah ee subeer awal.

Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya siyaasigii ugu horeeyay ee taariikhda fara-galiya sandalad dhaqameed ay reer leeyihiin oo soo jireen ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews