berberatoday.com
Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Guurtida Oo Masuuliyiinta Baanka Dhexe Somaliland Usoo Jeediyey Inay Is Casilaan
April 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhigii Golaha guurtida Somaliland ee maanta ayaa waxa lagaga dooday dhaqaalaha dalka iyo Sixir Bararka Baahsan ee dalka ka jira,

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha guurtidu waxay fadhigoodan isku raaceen in masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland ay ku fashilmeen wax ka qabashada Sixir Bararka iyo dhaqaalaha dalka iyaga oo u soo jeediyey masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland in ay is casilaan maadaama ay ku guul daraysteen in ay xal waara u heelaan sidii wax uga qaban lahaayeen dhaqaaaha iyo sixir bararka aafaayey dalka kaasi oo dhibaato wayn ku haya gabi ahaanba Shacabka reer Somaliland.

Dhanka kale ka dib markii doodii xildhibaanadu ay dhamaatay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu si kulul uga hadlay arintaasi ay soo jeediyeen mudanayaashu isaga oo dhankiisa sheegay in aan loo baahnayn in golaha laga dhex weeraro cid gaara oo uu u jeeday masuuliyiinta baanka oo uu ku tilmaamay in ay yihiin shaqaale.

Halkan Ka Daawo

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews