London -Xaflad Ilyartu is qabatay oo Marwo Amran Mohamed Ahmed ku Cadeysay in ay Baarlamaanka uga sharaxan tahay Gobolka Togdheer Doorashada Barlamaanka ee soo socta + Sawiro
April 19, 2016 - Written by Berbera Today
Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa Musharaxad- Aqoonyahanad Marwo Amran Mohamed Ahmed oo bishan April 16-keedii Galbeedka Caasimada London kaga dhawaaqay in ay isu soo taagi doonto musharaxad u taagan doorashada Golaha Wakiilada ee Somaliland ee inagu soo fool leh. Marwo Amran Mohamed Ahmed waa Foolaadka Haweenka aqoonta iyo waayo aragnimada xambaarsan reer Somaliland ee ku dhaqan cariga ingiriiska . Waa shaqsi wadani ah oo Somalilandnimadeedu ay dhiigeeda iyo dheecaankeedaba raacday taas oo mar walba isha ku haysa qaranimada, qawmiyada iyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland. Hadii ay ku guuleysto in ay ka mid noqoto doorashada Golaha baarlamaanka ee dhici doonta 27/4/2017 Marwo Amran Mohamed Ahmed uma baahna carbis danbe oo waa aqoon yahanad ay u guntan tahay taariikhnololeed rasaysan oo hore loo soo tijaabiyey Taa soo wax qabadkeeda iyo curinteedaba la mahadin doono.”Inshaa-allah”