Diyaarad Xamar Ka Soo Kacday Oo Ay La Socdaan Wiilka Uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay Ee Baashe Cawil Iyo Diblomaasiyiin Imaaraatiyiin Ah Oo Saaka Ka Soo Degtay Madaarka Berbera
April 20, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa abaaro 11 kii galinkii horee maanta madaarka Berbera ka soo degtay diyaarad Xamar ka soo kacday oo ay saarnaayeen wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil Cumar iyo dibloomaasiyiin ka socday dawladda Imaaraatka Carabta oo ay ka midahaayeen safiirka dawladaasi u fadhiya Muqdisho iyo masuuliin kale oo loo malaynayo inay ahaayeen saraakiil Ciidan ah.