berberatoday.com
Xildhibaan Dayib Xasan Boobe Oo Eedeyn Sharciyada Dalka Baalmarsan Usoo Jeediyay Masuuliyiinta Banka Somaliland Iyo Gudoomiyaha Guurtida Oo Jawaab Adag Siiyay
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Xildhibaankan Lagu Magacaabo Dayib Xasan Boobe Oo buuxiyay Boos uu aabihii ka geeriyooday islamarkaana kamida ahaan jiray Bulshada reer Berbera mudo sadex sanadoodana kamida ahaa golaha Guurtida cilmi badan iyo aqoon maadiya iyo mid diiniya toona lahayn ayaa eedeyn usoo jeediyay Maamulka Banka dhexe ee somaliland isaga oo si aan cilmiyan waafaqsanayn shaqada banka uga hadlay shaqooyinka banka iyo waxa uu qabto isaga oo Maamulka Banka dhexe ku eedeyay Maamul xumo aanu qodob sharci ucuskan kuna baaqay in alabaabada loo laabo banka qaranku leeyahay ee umada u adeegaya waxaanu Xildhibaan Dayib Xasan Boobe Arinka Banka si indho la,aan ah oo sharciyada golaha Guurtida baalmarsan oo lala wada yaabay kaga hadlay fadhigii maalintii shalay ay yeesheen Golaha guurtida somaliland ee ay kaga doodayeen xeerarka banka dhexe ee Somaliland iyo qaabka loo xakamayn karo sarifka lacagta dollar ee xadhkaha goostay.Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo shaqada baanka ku haftay garana waayay meel uu salaanka banka dhexe ka halabsado si uu dhaameel uga helo ayaa waxa uu yidhi waxaanu yidhi “Ma aha in uu magac uun baan ku ahaado. Meel waa la dhisi karaa oo Baan baa loo bixin karaa balse waxa loo baahan yahay in uu Baan ku noqdo adeeggii uu umaddan iyo dalkan u qaban lahaa. Intaa maanta xilkiisa haysa ee Baanka masuuliyadda u haysa waxa la gudboon in ay meesha isaga tagaan ama baanka macno u yeelaan oo uu noqdo sidii baan u shaqaynayay iyo wixii uu umadda u qabanayay. Dhibaatada jirtaa waxa weeyi haddii uu maanta bangigu yidhaa sicir bararka ayaan la dagaalamayaa oo uu lacago ka soo qaato baananka Dahabshiil, Salaam iyo Oomaar miyuu waxba qaban karaa illayn wuu habranayaaye oo shirkadahaasi ayuu u habranayaaye. Ma go’aan qaadasho ayuu yeelanayaa. Walaa maciishad qaaliyowday iyo sicidr barar ayaanu waxba ka qaban karayn. Waxaannu leenahay hawshii uu baanku qaranka u hayay wuu ku fashilmaye albaabada haloo laabo banka.

kaha

Gudoomiyaha  Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa xildhibaankan  dhaliisha usoo jeediyay banka dhexe ee Somaliland ku tilmaamay doodiisa mid shakhsi ah iyo dano gaar ah balse aan khusaynin danaha qaranka ee caamka ah isaga oo duray Xildhibaan dayib Xasan Boobe  ku tilmamay xildhibaan aan shaqada Guurtinimo aqoon buuxda ulahayn kursi uu aabihii ka geeriyoodayna Alle ha Unaxariiste iska fadhiistay waxaanu Yidhi” “Waar Shaqaalaha Baanku waa shaqaale, waar ninkii si gaar ah hawl shakhsi ah uga hadlayow ka daa meesha hadalkaasi oo ka aamus maaha meel dano gaar ah iyo dhuuni laga raadsadee” isaga oo Guddoomiyuhu dooddaasi ka joojiyey xildhibaan Dayib Xasan Boobe

Saleeban Gaal

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews