berberatoday.com
Gabadh 25 Jir Ah Oo Milyaneerad ka Noqotay Beer Ay Qodatay
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa lagu tilmaamaa qaaradda Afrika inay tahay meelaha ugu badan adduunka ee shaqo la’aantu ku hayso dhallinyarada, balse gabadh da’yar ah oo magaceedu yahay Nakku Justine, isla markaana 25 jir ah, ayaa arrintaas beenisay, kadib markii ay si iskeed ah u samaysatay beer ay manaafacaadsato, kana heshay dhaqaale badan.

timthumb.php

Gabadhan oo u dhalatay dalka Kenya, ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay ka soo muuqatay mareeg laga leeyahay waddanka Nigerian oo la yidhaa Nigeriancamera.net oo warbixin ka diyaarisay guulaha ay gaadhay iyo sida ay horumarka u samaysay.

Haweenaydan 25 jirka ah waxa ay kaligeed samaysatay beer cabbirkeedu yahay lix higtar oo ay ku leedahay dalkeeda Kenya, iyadoo ka soo saartay caanaha xoolaha, kaabajka, hadhuudhka kala duwan, kaarooga iyo waliba khudrad kale oo aad u tiro badan, kaasoo ay u iibgeyso meelo badan oo Kenya ah.

Gabadhan da’da yar waxay ku guulaystay in ay lacag malaayiin doollar ah ka samaysato beerteeda, isla markaana ay ka hesho waxtar kala duwan oo dhinaca shaqo abuurka ah, iyadoo waqtigan meelo badan oo qaaradda Afrika hodan ku ahayd beeraha ay sii dabar go’aan, halka sidoo kale ay meesha ka sii baxayaan dadka aqoonta fiican u leh cilmiga beeraha.

Sida mareegtu xustay gabadhan waxa ay ka noqotay beerteeda milyaneer hantii badan haysta, iyadoo markii hore ka mid ahayd bulshada dabaqada hoose ee dalka Kenya, khudaarteeda iyo waxyaabaha ay beerteeda kala soo baxdo ku xidhan yihiin dad badan oo tujaar ah iyo ganacsato kale oo aad u badan.

Geesta kale, dalka Kenya ee ay ku nooshahay waxa uu ka mid yahay meelaha shaqo la’aantu aadka u saamaysay, isla markaana dhallinyarada da’deeda ah ay ku kacaan fal-dambiyeedyo kala duwan

 

 

Berberatoday.net.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews