berberatoday.com
Gudoomiyaha UCID ee SAAXIL oo Xukuumadda Ku Dhaliishay Inay Ka Gaabisay Shaqo Abuurka Dhalinyarada,Tacsina U Dirtay Dhalinyaradii Badda Ku Geeriyootay.
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

Rooda Axmed yasinHargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo Rooda Ahmed Yaasiin ayaa waxay soo saartay bayaan ay kaga hadashay dhalinyaradii dhawaan badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ku qarqoontay,ugu horeyn waxay ku tidhi bayaanka ay soo saartay“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka,qaraabadda,asxaabta iyo qaranka Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhibatay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga,waxaan leeyahay ilahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhalinyaradaasii qaranka ka geeriyootay iyagana ilahay janooyinkiisa ha geeyo”.
Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa sidoo kale waxay canbaareyn dusha uga tuurtay xukuumadda uu hogaamiyo Ahmed Siilaanyo oo ay ku tilmaantay inay ku fashilantay wax ka qabashada tahriibta iyo shaqo abuurka dhalinyarada iyadoo arimhaasi ka hadlaysa waxa ka mid ahaa hadaladeedii“waxaan halkan ka canbaareynayaa xukuumadda gabtay dhalinyaradii iyo ubaxii dalka ee wax alle iyo wax ay u qabatay aysan jirin ee maalin iyo habeen heeganka ugu jirta boobka hantida umadda iyo musuq maasuqa xoolaha dadweynaha”.

Hadalka gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan dhalinyaradii ugu tirade badneyd inta la xusuusto ay ku geeriyoodeen bad weynta u dhaxaysa dalalka masar iyo talyaaniga,kadib markii doon ay saarnaayeen oo ay ku tahriibayeen bad weynta ku degtay,iyadoo aqlabiyadda dhalinyaradaasii ahaayeen reer Somaliland,oo xukuumadda Ahmed Siilaanyo-na ay tacsi kaliya biciin biday inay u dirto balse wax ficil ah oo wax lagaga qabanayo tahriibta faraha ka baxday aysan la iman,iyadoo la wada xusuusan yahay hal ku dhigii Madaxweyne Siilaanyo adeegsan jiray wakhtigii uu u cararayey hogaanka dalka ee ahaa ha UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal, hal kudhigaasi waa noqontay hadal la yidhi oo beenoobay,dhalinyarada reer Somaliland waxa looga fadhiya inay ka waantoobaan khatarta weyn ee ay tahriibtu leedahay.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews