berberatoday.com
Xusuusta Ballan-qaadyo Aan Suurtoobin Oo Madaxweyne SIILAANYO Wakhtigii Ololaha Doorashada U Jeediyay Dhallinyarada Iyo Qorshaha Cusub Ee Xukuumaddu Kula Dagaalameyso TAHRIIBKA
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Dhallinyaradii Markay Jaamacadaha Ka Soo Baxeen Ee Waxba Loo Qaban Waayay, Waa Kuwaa Badaha Isku Tuuraya Ee Tarab-Tarabka U Dhimanaya…” Madaxweyne Siilaanyo, Sannadkii 2009

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Illaa Hadda Dadweynaha Somaliland Wer-wer iyo Walaac ka muujinayaan Khatarka ka iman karta Haddii Tahriibka Dhallinyaradu halkiisa ka sii socda, ka dib markii Toddobaadkii hore Dhallinyarada Afar Boqol oo Dhallinyaro Reer Somaliland u badan u Halligmeen Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga.

Dadweynaha oo Siyaabo kala duwan uga hadlayey Dhibaatooyinka Dhallinyaradu kala kulmaan Tahriibka ay u badheedhayaan, iyaga oo sheegay in Sababaha Dhallinyaradu u Tahriibayaan tahay inaan Xukuumaddu samaynin fursado shaqo oo Dhallinyaradu kaga baaqsadaan Halista Tahriibka.

Dadweynaha qaarkood, ayaa Xukuumadda ku Canaantay in aanay waxba ka rumeynin Ballan-qaadyadii uu Ololaha Doorashada ku soo galay Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo ahaa inaan Dhallinyarada Somaliland dib Dalkooda uga Tahriibi doonin isla-markaana Fursado shaqo u diyaarin doonaan.

Warka 1-aadKhudbadihii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u jeedin jiray Dadweynaha wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, ayuu ku sheegay in haddii Xisbiga KULMIYE ku guuleysto Talada Dalka ay wax badan u qaban doonaan Dhallinyarada.

Madaxweyne Siilaanyo oo Sannadkii 2009-kii u khudbad ka jeedinayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa isaga oo Canaanaya Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sheegay in markii Xukuumadda Rayaale waxba u qaban wayday Dhallinyarada ay Dalka Ka Tahriibeen, laakiin haddii Xisbigiisu guuleysto uu Fursado shaqo u abuurayo Dhallinyarada.

“Dhallinyarada oo ah Dadka Maanta Dalka ugu Firfircoon ah, oo Mustaqbalka Dalku sugayo ah, markii ay Jaamacadaha ka soo baxeen ee waxba loo qaban waayay, waa kuwaa Badda isku tuuraya ee Tarab-tarabka u dhimanaya, Maalin walbana Badda ka tallaabaya.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo, Sannadkii 2009-kii oo ahayd Wakhtigii Xisbiga KULMIYE Ololaha ugu kulul ugu jiray doorashadii dhacday 2010-kii, waxaanu intaa ku daray, “Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu Xoojiyo Tacliinta, Dhallinyaradaa loo sameeyo Shaqo.”

Inkasta oo aanay waxba badan ka fulin Ballan-qaadyadaa uu Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay Dhallinyarada wakhtigii uu ku jiray Ololaha doorashada, haddana  Xukuumaddiisa oo Wakhtigeedu gabogabo yahay, ayaa markii Tahriibka Dhallinyaradu Faraha ka baxay bilowday Qorshayaal aan ahayn kuwo Dhallinyarada shaqo loogu abuurayo, laakiin lagaga hor-tagayo Kooxaha ka shaqeysta Tahriibinta Dhallinyarada ee la aaminsan yahay inay Magaalooyinka Dalka ku sugan yihiin.

SAYLICIMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da la hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka xun yihiin Dhallinyaradii Boqollaalka ahayd ee dhawaan ku dhintay Doontii kula degtay Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga, isagoo sidoo kalena sheegay inay samaynayaan Ciidamo Booliis ah oo daba gala kooxaha wax Tahriibiya.

Saylici oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Arrintani waa Aafo, waa Arrin Naxdin leh Runtii, dhibaato aad weyn baana dhacday waanuna ka xunnahay dhammaantayo, waxaanuna Tacsiyadeynaynaa Ehelada ay ka dhinteen Dhallinyaradaasi.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Tahriibku yahay Aafo Caalamiya oo aan Cid gaar ah lagu eedayn karin, “Tahriibku Maaha Mid Cid lagu eedayn karo ee waa Aafo Caalamiya, Sababtoo ah waxa laga Tahriibayaa Dalalka Afrika, Aasiya iyo Dalalka kale ee Innaga Awoodda badnaa ee la Ictiraafsanaa, ayaa Maanta Dadkoodu Tahriibayaan isla-markaana Boqolkiiba Afartan iyo in ka badan ka shaqo la’ yihiin, markaa Annagu intii dedaal aanu samayn kareynay waanu samaynay oo Tallaabooyin badan baanu qaadnay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku dooday in intii Xukuumadda KULMIYE talada Dalka haysay Shaqo Abuur badan u samaysay dhallinyarada, “Waxaad ogtihiin in Muddada Lixda Sannadood ee ah ee aanu Xukunka joogno aanu aad iyo aad xil iskaga saarnay Dhallinyarada, oo xitaa aanu hoos u dhignay Da’da ay kaga qayb-galayaan Siyaasadda, inaanu shaqaaleyn badan samaynay, Annaga oo 7000 kun oo Qof oo Shaqaale ugu nimid ay Maanta 16000 kun Marayaan, Muddadaa aanu joognay 9 Kun oo Qof baanu shaqaaleysiinay.”

Md. Saylici oo la waydiiyey waxaa Tahriibka sii badiyey haddii Hal-ku-dhigyadii ay Ololaha ku so galeen ay ka mid ahaayeen “UDUB way tageysaaye Ha Tahriibin Walaal”, ayaa ku jawaabay, “Eraygaasi muu ahayn Eray aanu ku ololeynaynay (UDUB way ka tageysaa ee Ha Tahriibin Walaal), wuxuu ahaa Hal-ku-dhig ka soo baxay Shacabka, gaar ahaan Reer Togdheer, laakiin Eray annaga Siyaasiin ahaan Afkayaga ka soo baxay muu ahayn. Haddana mar walba waxaanu ku dedaalaynaa inaanu Qorshe u samaynno dhallinyarada, Caqabadda ugu weyn ee na haysataa waa Dalka oo aan la ictiraafsanayn iyo Hay’ado Caalamiya oo Dalkeenna Maalgashanaya oo aan jirin, haddana kheyraadka Dalka yaalla waxaanu samaynay dedaal badan.”

 

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Xukuumaddu samaynayso Ciidan u gaar ah daba-galka Kooxaha Dadka Tahriibiya, “Talaabooyin badan baanu ka qaadnay, In badan baanu xidh-xidhnay (Mukhalasiinta ka shaqeeya Tahriibka), haddana waxa noo qorsheysan Booliis gaar ah oo daba gala Nimankaa Dadka ka kaxeynaya Magaalooyinka ee Magafayaasha Soomaalidu u bixiyeen, oo aanu kaga hor-tagno inaan Hawlahaasi dib u dhicin.”ayuu yidhi

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews