berberatoday.com
Wargeyska Indian Ocean Oo Baahiyay In Dawladda Masar Isku Dhufan Gaadhay Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya –
April 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay qoray in dawladda Masar isku dhufan gaadhay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badani.

1

Wargeysku, wuxuu qoray in weftigii dawladda Masar ee uu horkacayay danjire Maxamed Idiris oo horaantii bishan Hargeysa booqasho ku yimid ay la socdeen saraakiil milatari oo ay ka mid ahaayeen kuwa dhinaca badda ahi, waxaanu sheegay in socdaalka weftiga Masar uu dareen geliyay dawladda Itoobiya, taas oo ah ujeedada ugu weyn ee weftigii Masar.

Wuxuu wargeysku sheegay in ciidamada milatariga Somaliland ay ka gaws adaygeen inay arkaan weftigaas Masar ee ciidanka u badnaa, maadaama oo uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo dawladda Itoobiya iyo ciidamadeeda kala duwan.

Wargeysku, wuxuu sheegay in danjire Maxamed Idiris markii uu ka noqday magaalada Hargeysa uu cabasho ka muujiyay dareenkii ay ku qaabileen dadweynaha reer Hargeysa, isagoo xusay inaan la ixtiraamin, waxaanu danjire Idiris dabcan u muuqdaa inuu arkay dareenka saska leh ee uu kala kulmay dadweynaha reer Somaliland, intii uu booqahada Hargeysa ku joogay, maadaama oo ay bulshada Somaliland ogyihiin sida cadawtinimada leh ee ay dawladda Masar uga soo horjeedo aayo ka tashiga shacabka reer Somaliland iyadoo eegaysa danaheeda siyaasadeed ee ay ka leedahay gobalka Geeska Afrika.

Dadka reer Somaliland qaar badan oo ka mid ah oo isticmaalah baraha Internetka ee ay bulshadu ku sheekaysato, ayaa markii ay dawladda Masar soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayso socdaalkii weftigeeda, waxay bilaabeen inay qoraalo kooban ku baahiyaan baraha bulshada, gaar ahaan twitterka kuwaas oo uu nuxurkoodu ahaa farriimo ay dawladda Masar ugu sheegayaan in qaddiyadda Somaliland tahay mid aayo ka tasho oo ay shacabka Somaliland gaadheen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews