berberatoday.com
Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Shaqaqadii Ka Dhacday Bank Qool-cadey Fariina U Diray Bulshada Deegaanka
April 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka aha ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday deegaanka qool-cadey ee degmada salaxley oo sababtay khasaare dhaawac.

ciro

Waxaana gudoomiye Cirro uu bulshada deegaanka banka qool-cadey iyo xukumaddaba ugu baaqay inay ka taliyaan amniga iyo xasiloonida dalka waxaana uu yidhi.

“Shalay shaqaaqo aan wanaagsanayn ayaa ka dhacday deegaanka banka qool-cadey waxay sababtay khasaare, waxaan ugu baaqay bulshada deegaanka banka qool-cadey inay ka taliyaan kana wada shaqeyaan xasiloonida iyo nabadgaliyada, waxaan ugu baaqayaa baaq nabadeed, xukumaddana waxaan ugu baaqayaa in si masuuliyaddi ku jirto ay arinkaa u waajahaan oo ay wax uga qaabtaan”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Cirro .

Dhanka kale gudoomiye Cirro waxa uu ka hadlay diiwaangalintii codbixiyayaasha ee gudida komishanku hakiyeen mudada bisha ah iyada oo ay  dhawaan gudiduna ku dhawaaqeen inay gobolka maroodi-jeex ka bilaabmayso 30- bishan lagu guda jiro,waxaana uu ugu baaqay bulshada gobolka maroodi-jeex inay kawada qayb qaataan diiwaangalinta isla markaaana ay qaataan kaadhka codaynta waxana uu yidhi.

“Waxaad ka war qabtaan in diiwaangalintii gobolka maroodi-jeex si rasmi ah loogu dhawaaqayo bisha 30-keeda, waxaana shacabka gobolka maroodi-jex oo ah gobolka ugu muhiimsan dalka somaliland ugu baaqayaa inay si wanaagsan dhamaan muwaadiniintu isku diwaangaliyaan, oo ay qaataan kaadhka codaynta si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah, goboladii ay hore uga soo qabsoontayn si wanaagsan oo qiimo leh ayay uga soo dhamaatay waxanan rajaynayaa in caasimadana ay si lamida uga soo dhaman doonto”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiye Cirro.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews