berberatoday.com
Waa Kuma Gudoomiyaha Guud Ee Qurba Jooga Beesha Muuse Dhariyo? Mudane Eng: Ahmed-Khalif Ayjeex Yusuf
April 24, 2016 - Written by Berbera Today

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Hawl-Wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Mudan Bacdal Salaan, Waxa Qalinka Igu Kalifay Maanta Inaan Qalinka waxqabadka Gudoomiyaha Eng Ahmed Ayjeex Yusuf iyo  Waa Kuma Gudoomiyaha Guud Ee Qurba Jooga Beesha Muuse Dhariyo? Mudane Eng: Ahmed Ayjeex Yusuf

Waa Kuma Gudoomiyaha Guud Ee Qurba Jooga Beesha Muuse Dhariyo? Mudane Eng: Ahmed-Khalif Ayjeex Yusuf

hor iyo horraanta waxaan salaamayaa akhristayaasha iyo hawl-wadeenada saxaafada madaxbanaan dalka. marka xiga, waxaan  jeclahay in ka qormo yar ka warbixiyo waa kuma gudoomiyaha guud ee qurba jooga beesha muuse dhariyo? mudane eng ahmed- ayjeex yusuf

gudoomiye Eng ahmed ayjeex yusuf waxa uu muddo dheer olole ugu jiray sidii uu u mideyn lahaa iskuna xidhi lahaa qurba jooga beelweynta sheekh muuse dhariyo gude iyo dibadaba uga dan lahaa in madmadow  aan la gelin magaca beelweynta  , sharafta, karamada iyo  milgada taariikheed ee beelweynta muuse dhariyo  ay  ka mudan yahay iyo qiimaha ay ku leeyihiin geyiga soomaaliyeed , shakhsi ahaa waxa uu ka soo horjeeday magacyda aan haboonayn  sida beelaha laga tirade badan yahay, beelaha la hayb sooco iyo beelaha gabooye ,waxaan umadda reer somaliland yar iyo weynba, waxa  uu hadh iyo habeenba ka dhaadhicin jiray  inaan beesha muuse dhariyo aan loogu yeedhin magacyada faraha badan ee foosha xun ee mar waliba bulshada somaliland dhagahooda ku dhacay ee saxaafaddda somaliland ay raalida aan  ka ahayn,  waxa mar waliba u ololayn jiray inaan bulshada reer somaliland aan kala faquuqin ee ay mid-wada yihiin

gudoomiye ahmed runtii maaha ninkii maanta la baran lahaa! hadday se aqooni ugu kuugu dhimman  tahay, yar milicsado taariikdan yare ee kooban ee aan ku soo ururashay intaan ka ogahay shakhsiyadiisa iyo  waxqabad kiisa gudoomiyaha ahmed khaliif ayjeex yusuf,

 gudoomiyaha Eng . ahmed khaliif ayjeex yusuf, waa ka astaamahan hoos ku qora leh Aaminimo , dulqaad, daacadnimo . qawl wanagsan , xalaal quute, run sheeg, ma faane , hawl-karnimo , islama weyne, aqoon ku filan ,  samir badan , xilkasnimo iyo Alle ka cabsi

wuxuu ahaa nin ilaahay  ugu  ku munaystay degganaasho, akhlaaq suuban, kaftan hufan,  iyo ixtiraamka aadamiga yar iyo weynba. wuxuu ahaa nin qawlkiisa iyo ficilkiisu is waafaqsan yihiin, xarago badan, xoog weyn oo gardarrada dadka aan aqoon,

aqoonta iyo mihnadda uu bartay – halkuu gaadhay noloshiisa? Waxbarashadiisa hooose iyo dhexeba waxa ku qaatay  killilka 5aad Magaalada Qabridahare , halka dugsiga sarena ku qaatay  Magaalada Harar Tacliinta sare, ka dibna waxa loo diray  Dalka Masar Mgaalada Alexanderia waxaana kaso qaatay degreega Bachelor of Science kadib waxaan shaqo ka bilaabay Dawlafii hore Somalia Saldhiga Balidogle mudo kadib waxbarasho kale ayaan galay waxaana qaatay Master of Art (MA) Kadib waxa uu  macalin ka noqday kuliyada Abaanduulka  (Ex Gahayr)

Illaa Dawladii kadhacday kadb mudo badan oo aan Kenya joogay waxaan u shaqaynayey hayada qaramada midoobay ee UN ka waxaana ahaa Community Chancellor kadib markii aan tagay Australia waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka hayada  islaamiga Bulshada ah ee koonfurta Australia ( Vice president of Islamic Society of south Australia)  halkaas oo muddo afar sano ah  4 sano ka shaqaynayey,  waxaan kale oo aan kaso shaqeeyey kulliyadda Islaamiga ee ah ee Koonfurta Australia(   Islamic college of South Australia ) hadana waxaan Xubin ka soo noqday Golaha Muslimiinta ah Australian ahay ( Australian Muslim Council. ) , 2015 , Waxa loo doortay gudoomiyaha guud ee qurba jooga beesha muus dhariyo , ilaa imikana uu hayo xilkaas , Mid Aynu Ku Soo Koobi Karno Taariikhdiisa Beeshan , Intii Ugu Mihiimsanay Iyo Waxtarkii U Soo Qabtay Beesha Muuse Dhariyo

Muddii Ay Xilka Gudoomiyenimada hayay Gudoomiye Eng Ahmed  Ayjeex Yusuf  Waxa Marag Ma Doon  In Beesh Muuse Dhariyo Ku Talaabastay Guul Iyo Horumar , Waxaa Marnaba Indhaha Laga Qarsan Karin Horumarka Balaadhan Ee Muuse Dhariyo Ka Hana Qaaday Muddaasi Yare ee uu xilka gudoomiye ahmed  ayjeex yusuf Ee La Dhisay Gudida Qurba Jooga Iyo Garabyada Beesha Muuse Dhariyo Iyo Golaha Guurtida Beesha Muuse Dhariyo , Waxa Gudoomiye Ahmed Khaliif Ayjeex Yusuf  Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba U fuulay  Sidii Uga Midho Dhalin Lahaa Midnimada , Akhaarkiina waa uu ku guuleeystay isagoo kaashanaya gudidiyada kala duwan ee beesha muuse dhariyo, Wakhtigii uu xil La Wareegay Gudoomiye Ahmed Khaliif Ayjeex  Hogaankiisa Iyo Maanta Sidu Yahay!, Waxa Haboon In Aynu Ka Maraq Kacno Waxqabadka Balaadhan Ee Qabtay Gudoomiyuhu, Isagoo Helay Garabyo Uu Ku Duulo , Waa In La Ogaado Mid Waliba Halku Inaga Taagan Yahay Iyo Qadarinta Iyo Xushmada  Inaga Mudan Yahay,

Guntii iyo gunaanadkii Runtii maaha mid aynu ku soo koobi karno waxqabadka gudoomiye Eng Ahmed Ayjeex Yusuf,

Qalinkii Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed Abdi

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews