Ujeedka Shir Xog-hayayaasha Golahayaasha Wasiirada Afrika Uga Socda Caasimada Malawi
   April 24, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Malawi(Berberatoday.com)-Caasimada dalka Malawi ee Lilongwe waxaa todobaadkii u dambeeyey ka socday kulan muhiimadiisu ahayd  xog-waraysi iyo xeelad-wadaag ay  13 dal oo kamida dawladaha Afrika  ku lahaayeen isla markaana  lagu soo qaaday qodobo muhiim u ah sidii shirarka goleyaasha Wasiirada Afrika u noqon lahayeen kuwo midho dhal ah  oo si dhab ah uga turjumaya baahida iyo baylahda dalalka ay metalayaan.
Madaxweynaha dalka Malawi Proff Arthur Peter Mutharika oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiirada  ee dalalka Botswana, Ghana, Lesotho, Liberia, Rwanda, Sierra Leone, Somalia, Somaliland, South Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia, Zanzibar iyo  Malawi kulan ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada ee dalkaas Malawi halkaas oo uu kala hadlay muhiimada kulankan isagoo xusay kaalinta Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiiradu ku leeyihiin ururinta, diyaarinta, iyo dabagalka go’aamada golaha Wasiirada isagoo sidoo kale xusay  muhiimada ay leedahay  diyaarinta xayn-daab “Agenda” si dhab ah ugu qotoma xaalada dalalka Afrika isagoo carabka ku adkeeyey  in Xoghayaha golaha wasiiradu yahay midka si hufan ay tahay in uu  isugu xidho golaha Wasiirada iyo cid walba oo go’aanka golaha kasoo baxa saamayn ku yeelan karo.