berberatoday.com
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Gudoomiye Halaca Dhegoole Oo Olole Muuse Biixi Taageero Loogu Raadinayo Berbera ka Bilaabay Iyo Tashkiilintii Dhalinyarada Oo Suuragali Weyday
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

halac Iyo saleeban

Berbera(Berberatoday.com)-Agaasimaha diinta iyo awqaafta sheekh saleebaan Siciid Cali iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil mr Halac Dhagoole ayaa magaalada Berbera ka bilaabay, oloole ay taageero ugu raadinayaan musharaxa xisbiga kulmiye talada haya ee kulmiye muuse biixi cabdi, kuwaasoo caawa dhalinyaro gobolka kasoo jeedda ay kulan casho ah ugu sameeyen Huteel Xayaat magaalada Berbera waxa kaloo kamida ahaa Masuuliyiinta Kulanka taageerada Muuse Biixi loogu raadinayo Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan.

Sidoo kale, Agaasime Sheekh Saleebaan iyo Gudoomiye Halac dhagoole iyo Isuduwe Shaafic Jaamaca Aadan,  ayaa dhalinyaradda ku afgobaadsanaya aflgaado aan loo meeldayin iyo yasitaan nolol quudhiwaa waxa ay kula dulkufeen musharra xilka madaxweynaha ee xisbiga ucid aqoonyahan Jamaal Cali xuseen, kuwaasoo dhalinyarada damacsanaa inay ka dhaadhiciyaan in meesha laga qaaday jaamal oo aan  musharax ka ahayn xisbiga Ucid. 
Hase-yeeshee, markii ay intaa uu sheegen, ayey dhalinyaraddii cod mideysan kaga dareen celiyeen hadalkoodii kuwaasoo sheegay inay hiil iyo hooba la garab-joogan msharaxa xisbiga ucid Jamaal Cali xuseen. Iyadoo markii danbe ay meesha ka dhalatay buuq iyo sawaxan cirka isku shareeray. kaasoo dhex maray dhalinyaradii iyo labadii shaqsi ee guuldayntu madaxmartay.
Laba shaqsi ee taageero doonka u ah musharraxa kulmiye, ayey ka hor timi arrin adagi,  iyaddoo uu dhicisoobay kulankaasi isla markaana ay waji gabax kala kulmeen kulankii taageero raadiska ahaa, ee dhalinyaradda lagu xod-xodanaayey kulan danbe oo aan laysla qaadana loo balamay.
Si kastaba ha ha ahaatee, gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi ayaa dhowaan magaalada Berbera dadka ku nool ku tilmaamay inay yihiin tuug dadka kabaha iyo moobelada ka qaada.  Sidoo kale waxa uu marar badan mr muuse magaalada Berbera uu ku tilmaamay inay tahay dhedig isagoo ugu maahmaamahay Sodoh. 
Geesta kale waxa dhalinyaradan dhex boodaayay oo kudhex jiray dhalinyaro badan oo kamida shaqaalaha dawlada oo amar madaxdoodu soom siisay ku oolaynaayay balse aan wax guula ka gaadhin
Halkan Ka Daawo Muuqalka Sheekh Saleeban Oo Muuse Biixi U Olalaynaya Shacabka Reer Berbera ugu Baaqay mInay Codka Siiyaan Muuse Biixi
 
 
 
 
 

 Halac dhegoolee
 
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews