berberatoday.com
Ciidammada Ammaanka Oo Qab-qabtay 16 Ka Mid Ah Mukhallasiinta Ku Shaqeysta Tahriibinta Dhallinyarada
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

“Idin odhayn mayno Ciidan Gaar ah ayaanu u saareynaaye kuwa jooga ayaa ka shaqeynaya oo ku fila..” Wasiir ku-xigeenka Amniga

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland oo dedaal ugu jirta inay Xididdada u siibto Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibinta Dhallinyarada, ayaa sheegtay inay labadii Habeen ee u dambeeyay qab-qabatay 16 ka mid ah Mukhallasiinta ka shaqeeya Tahriibka.

Warka MukhallasiintaWasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay ka hadlayey Munaasibad Baroor-diiq ah oo Hargeysa loogu sameeyay dhallinyaradii Badda ku halligantay, ayaa yidhi, “Xalay (Habeen hore) ilaa Habeen hore (Habeen Saddexaadkii) waxaanu qabanay 16 Magafe, kana hadhi mayno illaa aanu Xididdada u soo saarno.”

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay la dagaalanka Tahriibka iska kaashanayaan Dawladaha jaarka, “Dalalka aynu jaarka nahay waanu iska kaashanaynaa oo Xidhiidh baanu ka leenahay, iyagana waa ku dhib, innagana waa innagu dhib Tahriibku, dhan walbana way joogaan Magafayaashu, markaa idin odhayn mayno Ciidan Gaar ah ayaanu u saareynaaye kuwa jooga ayaa ka shaqeynaya oo ku filan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Nimankaa iyaga ah Dawladdu uma yareysan oo way qab-qabaneysay, hasa-yeeshee Aafo mar keliya sidaa inoo wada taabata oo dareenkeenna jeedisa waa tii koowaad.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews