berberatoday.com
Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta CPJ Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay Inay Laasho Dacwadaha Dhanka Ka Ah Saxaafadda
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

Newyork(Berberatoday.com)-Guddiga caalamiga ah ee Ilaalinta iyo difaacidda Suxufiyiinta(CPJ) oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland inay laallaan dhamaan dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo saxaafadda, isla markaana hubaal laga dhigo inay Suxufiyiinta u gudan karaan hawlahooda iyagoo aan wax baqdin ah qabin, caga juglayn loo geysanin.

Nuxurka qoraalkaa guddiga CPJ  wuxuu u dhignaa sidan; “ Ugu yaraan saddex saxafi oo ka hawlgala Somaliland ayaa la filayaa in maanta(shalay) la soo taago Maxkamadda Hargeysa, halka Weriye kale  la xidhay toddobaadkii hore, iyadoo aan wax dacwad lagu soo oogin.

GuddoomiyahaWargeyska Ogaal, Muuse Jaambiir ayaa la filayaa  inuu 23.April ka muuqdo maxkamadda, iyadoo lagu eedaynayo inuu daabacay warar been ah, aflagaadeeyay madaxweynaha, ceebeeyayna marwadiisa, siday kooxda ollolaha ee CPJ u sheegeen Jaambiir iyo Guulleed oo ah madaxa xarunta xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac. Jaambiir wuxuu u sheegay CPJ in eedda soo gaadhay ee lagu eedaynayaa ay ka soo jeedo warar uu wargeysku ka qoray barnaamij xukuumaddu ku wareejisay haamaha kaydka shidaalka. Sidoo kale Gudoomiyaha Wargeyska Hubsad, Cabdirashiid Nuur iyo Tifaftiraha Wargeyskaasi, Saciid Khadar Cabdillaahi ayaa iyana maanta(shalay) waajahaya Maxkamadda Gobalka Hargeysa, iyadoo lagu eedaynayo inay soo saareen Wargeys aan lahayn Ruqsad uu ku shaqo galo, siduu CPJ u sheegay madaxa xarunta xuquuqal insaanka Somaliland. Weriyayaashan ayaa mudan kara xadhig ciqaab ah oo sanado ah haday sidaa ku socoto. “Maamulayaasha Somaliland waxay hore u xidheen Wargeysyadda Xogogaal iyo Hubsad, waxayna haatan doonayaan inay xidhaan kuwa masuulka ka ah Wargeysyadaa”ayuu yidhi Cilmi-baadhaha XPJ ugu qaabilsan Afrika, Kerry Paterson.

“Waxaan ugu baaqayaa dawladda Somaliland inay ku dadaasho inay abuurto deegaan warbaahintu ku shaqayn karto oo furan, isla markaana ay laasho dhamaan eedaha ay ku soo oogtay weriyayasha ku hawllan hawlohooda islamarkaana ay si dhakhso ah u sii dayso Maxamed Cumar Jaray oo ku xidhan Boorama. CPJ waxay haysaa kiisaska weriyayaal la xidhay Somaliland iyagoo shaqadooda ku jira,isla markaana waxay ka walaacsantay xaaladda saxaafadda iyo  suxufiyiinta oo ka sii dartay bilihii u danbeeyay, sida ay sheegeen dadka u dooda xuquuqda aadanuhu.”

Dhanka ururka weriyayaasha aan xuduudka lahayn ee RSF ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ka laabato dacwadaha ciqaabta ah ee ay la beegsanayso saxaafadda, isla markaana suxufiyiinta loo ogolaado inay si waafaqsan dastuurka iyo xeerka saxaafada u gutaan waajibaadkooda.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews