berberatoday.com
Uhuru Kenyata Oo Sharciyeeyay Ka Ganacsiga Qaadka, Hal Malyuunna Ku Kabay Beeralayda Kenya
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Saddex Maalmood ka hor shaaca ka qaaday inuu 1 bilyan oo shilinka Kenya ah u qoondeeyay inuu ku taageero beeraleyda Qaadka kadib markii dalal badan oo midowga Yurub ka tirsan ay mamnuuceen in loo soo dhoofiyo sidaa ay qortay jariiradda STANDARD.

Warka QaadkaMadaxweyne Uhuru ,ayaa sidoo kale saxeexay sharci cusub oo loogu aqoonsanayo QAADKA inuu yahay dalag lacag adag lagu helo (cash crop), taasoo ah tallaabo uu rajeynaayo inuu taageero ku heli doono inta aan la gaadhin doorashada soo socota ee xilka Madaxweynenimada.

Uhuru Kenyatta ayaa ku casuumay madaxda Meru ee ah dagmada Qaadku kasoo go’o inay yimaaddaan Madaxtooyada si ay uga marag kacaan saxeexitaanka sharcigaa cusub; markii uu qalinka ku duugayay.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinga ayaa isna arintaa inuu wax ka qabto darteed wuxuu dhawaan taageero waydiistay  hoggaamiyeyaasha Meru iyo dadweynaha degmadaa isagoo halkaasi dhawaan booqosho ku tagay.

Raila ayaa sheegay in loo baahan yahay ama waajib ay tahay in wada hadal lala galo dalalka Yurub ee mamnuucay Qaadka.

Sharciga uu Uhuru saxeexay ayaa fursad u siin doona beraleyda Qaadku inay si aan hakad lahayn Qaada ugu iibiyaan dalk Kenya.

Kenyatta ayaa sheegay in kharashkaas kabitaanka ah loo soo marin doono beeraleyda Qaadka Wasaarada Beeraha.

Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay dhibaatooyinka lasoo darsay beeraleyda Qaadka mamnuucitaanka dalalka Yurub laga mamnuucay in la geeyo Qaadka dartii wuxuuna u xaqiijiyay in dawladdiisu wixii karaan keeda ah ayna hagran doonin si beeraleyda Qaadku u helaan faa’iidooyinka ugu badan ee macquulka ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews