berberatoday.com
“Xaajiga Waxaa Lagu Yaqaan Boqol Xisaaboode.Xoor Xoor Markuu Cali Dhalaa Mudan Xusuus Weyne.Dadka Tuban Xafiiskiyo Kuwaa Xaafadaba Dhooban.Xiligaad Jaleecdaba Naflahan Sugaya Xoogiisu”Gabayga Xijaab Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Abwaanku wuxuu xusayaa sifaha togan ee uu leeyahay maareeyaha dekeda berbera cali xaaji cumar maxamed (cali xoor xoor) Abwaanka oo aan su.aal waydiiyay anigoo ah wariye maxamed c/lahi soo fadhiiste. Abwaan maxaa kugu dhaliyay gabaygan Wuxu yidhi Gabaygan waxaa igu dhaliyay ayuu yidhi bal waxaad eegtaa waxa mar kasta gurigiisa iyo xafiiskiisa Masaakiin iyo dad baahan iyo marti kaleba hor tuban ee aanad arkaynin cid uu qadiyay ama xumaan ka sheeganaysa Hadaba Wuxu ku bilaabay gabayga XIJAAB sidan hoos ku qoran Wuxu yidhi:-

Xeer beegti iyo guurtinimo geesi lagu xaydo.

Xog ogaal xanaanada bulshada xoolo ugu deeqa.

Xilka qaranka somaliland muunad lala xaalo.

Xulka madaxda xaajada guracan gala xaqsoorkeeda.

Cadli eex ka xora oon shacbiga kala xigtaynaynin.

Haldoor xaasidnimo looga baran xumana aan geysan.

Xirfad iyo aqoon ruux dugsada nabada xaaleeya.

Xayn-daab martida caawiyoo waliba laab xaadhan.

Xeebtaa berbera deeqsi aan laga xanaaqaynin.

xaajiga waxaa lagu yaqaan boqol xisaaboode.

Xoor xoor markuu cali dhalaa mudan xusuus weyne.

Dadka tuban xafiiskiyo Kuwaa xaafadaba dhooban.

Xiligaad jaleecdaba naflahan sugaya xoogiisu.

Masaakiin dhaq dhawrkawgu wacan inay ku xoomaane.

Xidig weeye Aadmiga wax siin lagu xushmeeyaaye.

Xayraanka iyo taajirkaba wuu xaslanayaaye.

Xishood iyo waxaa lagu yaqaan garasho xeel Dheere.

Waa Xubin ninkii garanayaa aanu xamanayne.

Gobanimo xad dhaafuu mutoo lagu xurmeeyaaye.

xariir weeye samo talis ah iyo xaafid hawl karahe.

Xaddi male wanaagiisu oo waa xalaal dhabahe.

Xasanaadka uu falay ALLAA khayr u xaasiline.

Ajarbaa xabaashiyo u yaal xoonka Aakhiro’e.

Xusulkiisa ciidiyo aboor waanay xaganayne.

Xikmadayda aniguna bilaash uguma xiiqeene.

Xarafyadu Amaan igama aha amase xuuraane.

Xaraanta beenta ah murtida kuma xujeeyeene.

Xaqiiqadu run weeyiyo sifihi xaadirka ahaaye.

Xiisiyo muraad kagama rabo xaashidaan qoraye.

Gabaygiyo Xikaayada waxaan kuugu xidhay maanta.

Xaqa ha arkaan nacabka iyo qaar xisdiyayaaye.

ILAAHOOW xajiin iyo ka hay xaasid gebigiisa.

Ka xijaab balaayada RABOOW XAAFID waa adiye.

Cali Cumar Xoorxor

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)

DHAMAAD ALLA MAHAD LEH

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews