berberatoday.com
Dagaalyahanno Taabacsan DAACISH Oo Weerarkoodii U Horeeyay Ku Qaaday AMISOM
April 26, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dagaal-yahano Somali ah oo Xidhiidh la leh Kooxda Daacish, ayaa sheegtay inay Weerarkoodii u horreeyay ka fuliyeen Muqdisho, ayna weerar bambaano la beegsadeen Ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ma sheegin kooxdan daacadda u ah ururka Daacish xilliga ay weerarkoodan fuliyeen iyo khasaaraha uu sababay, balse waxay xuseen in weerarkan uu yahay midkii u Horreeyay oo ay ka geystaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo ayna weerarkan weli ka hadlin ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmaya xilli Dowladda federaalka Somalia ay sheegtay in ciidamada Nabad-sugida ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal ay baadi-goobayeen oo ka tirsan kooxda Daacadda u ah Kooxda Daacish ama ISIS, kana goostay Al-shabaab.
Xoogagga taabacsan Ururka Islaamiga ah ee Daacish ayaa isku dayayay muddo hal sano ka badan inay saldhig ka sameystaan Somalia, laakiinse waxaa Hor-istaagtay isku-daygoodaas Al-shabaab oo u aragtay inay caqabad ku yihiin Midnimadooda.

2016425635971848588441332Soomaali_ku_biiray_Daacish_oo_Weerar_geystay_660

Bishii Oktoobar ee Sannadkii la soo dhaafay, ayaa unug ka goostay Al-shabaab, waxay kaga dhawaaqeen Gobolka Bari ee Puntland in Beeco ay la galeen Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish, kuwaasoo noqday kooxdii ugu horreysay oo ISIS daacad u noqota.

Al-shabaab oo aan fududeysan hadalkaas, ayaa billowday inay xidh-xidho saraakiil iyo xubno ka tirsan kooxdaan gooni-isku-taagga ah, iyadoo ay Saraakiisha Al-shabaab sheegeen inay gacan bir ah ku qabanayaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso Al-shabaab.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews