berberatoday.com
Gaadhi Dawladdu Leedahay Oo Hargeysa Lagaga Furtay Taarikada Ama Labarkii, Booliiska Oo Baadi-goobaya Iyo Dhibaatada Ka Dhalan Karta Ee Dhinaca Amaanka
April 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa baadi-goobaya Laba Bileydh (Taariko) oo laga furtay Gaadhi Noha ah oo uu leeyahay Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranku.

Gaadhiga oo Lambarkiisu ahaaa  GT 1641, ayaa Gudaha Magaalada Hargeysa lagaga furtay Labadii Bileydh (Taariko) ee Xagga hore iyo Xagga dambe kaga yaalay, sida uu Wargeyska Himilo u Xaqiijiyey  Guddoomiye ku xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Maxamed Caabbi.

Masuulkan, ayaa sheegay in aanay garanayn Cidda ka furatay Gaadhiga labada Bileydh, laakiin ay Arrintaa u gudbiyeen Taliska Booliiska, ilaa haddana aanay wax jawaab ah ka helin Booliiska, “Gaadhiga waxa laga furtay labadii bileydh Nambar, waana Gaadhigii shaqaalaha qaadi jiray, waana nooca loo yaqaano Noha, waxaana labada bilaydh nambar laga furtay ilaa dhawr iyo toban maalmood ka hor, sidaa awgeedna waxaanu u gudbinay Ciidanka Booliska, illaa haddana wax jawaab ah kamaanu helin, wax hel iyo wax waaba, illaa haddana waxaanu jawaab ka sugeynaa Booliiska.”

Dadka Bileydhada furtay oo aan dhibaato kale u geysan Gaadhigan, ayaa Xogaha uu Wargeyska Himilo helayaan Sheegayaan in Ilaa hadda Ciidammada Ammaanku baadi-goobayaan, iyada oo ay soo baxayaan Warar kala duwan oo la xidhiidha Sababta labada Bileydh oo keliya looga furtay Gaadhiga.

Labada Bileydh ee laga furtay Gaadhigaasi, ayaa cabsi dhanka Ammaanka ah keenaya, maaddaama oo Kooxaha Argagixisada ahi Hababka ay isticmaalaan mararka ay Weerar fuliyaan ka mid tahay inay Adeegsadaan Bileydhada Gaadiidka, si ugu xidhaan Gaadiidka ay Hawl-galkooda u adeegsanayaan.

Gaadhigan laga furtay Labada Bileydh, ayaa muujinaya dayaca Gaadiidka Dawladda Somaliland haysta, haddii aan si dhaqso ah Wasaaradda Hawlaha Guud wax uga beddelin habka loo isticmaalo Gaadiidkana, waxay Dalka u horseedi karaan khatar dhanka Ammaanka ah, maaddaama oo Cid kasta oo fursad u heshaa sidan oo kale uga furan karto Taarikada, si ay ugu xidhaan Gaadiid lagu waxyeeleeyo Ammaanka Guud ee Qaranka

 

 

 

 

Xigasho Wargeyska Himillo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews