berberatoday.com
Kooxda Kubada Cagta Juventus Oo Ku Guuleysatay Hoyraalka Kooxaha Heerka 1-Aad Ee Talyaaniga (Sawirro)
April 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxda Juventus ayaa markeedii shanaad ku guuleysatay Horyaalka Kooxaha heerka koowaad ee dalka Talyaaniga (Serie A), kaddib markii kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Napoli ay Guul-darro kala kulantay Kooxda AS Roma.

2016425635971988109054046Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (5)

Gool uu dhamaadkii cayaarta uu Roma u dhaliyay Radja Nainggolan, ayaa sabab u noqday in Kooxda Juventus tii u fududeysatay inay ku guulaysato Horyaalka, iyadoo Saddex kulan ay harsan yihiin cayaaraha horyaalka Talyaaniga. Waxayna Juventus 2-1 xalay uga badisay Naadiga Fiorentina.

Juventus, ayaa Rikoodh cusub ka dhigtay Horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A, waxayna noqtay kooxdii ugu horreysay ee markii labaad shan jeer oo xiriir ah ku guuleysata koobka horyaalka Talyaaniga ee Siere A-da loo yaqaan.

Sidoo kale, Kooxda Juventus ayaa billowgii xilli ciyaareedkan u muuqatay mid aan awood u lahayn inay difaacato koobkan oo ay Afarta jeer ee hore ku guulaystay, kadidb markii ay hal Dhibic ka heshay Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay, laakiin hadda oo horyaalka ay ka harsan tahay saddex kulan oo keliya, ayay 12-dhibcood ku haysaa Hoggaanka waxayna soo martay 25-kulan oo aysan guulo soo arkin.

Kooxda Juventus, ayaa hadda leh 85-dhibcood Waxayna sii dheereysan kartaa dhibcaha ay ku dhameysan karto xilli ciyaareedkaan, waxaana goolasha ugu badan u dhaliyay Kooxdan Cayaaryahan Paulo Dybala oo u dhashay Waddanka Argentina, kaasoo haatan leh 16-gool, isagoo Hal gool oo qura ka hooseeya Cayaar-yahanka Kooxda Napoli, Gonzalo Higuain oo kulankii Roma awoodi waayay inuu 30-ka gool ee uu leeyahay uu wax ku daro.

Dhanka kale, Goolhayaha Juventus, Gianluigi Buffon ayaa kaalin wayn ka ciyaaray Suuro-gelinta in kooxdiisa ay xilli cayaareedkan ku guuleysato Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da, kaddib markii 34-kii kulan ee la cayaaray uu 20 kulan oo ka mid ah garoonka ka baxay iyadoo aan wax gool ah laga dhalin, Wuxuuna dhigay Rikoodh cusub oo ah 973-daqiiqo oo aan shabaqiisa wax gool ah la taabsiin.

Ugu dambeyn, Kooxda Juventus ayay waxaa u harsan Saddex kulan oo ay la yeelan doonto kooxaha kala ah; Carpi, Verona iyo Sampdoria, iyadoo markaa kaddibna Cayaarta Final-ka ee Coppa Italia la cayaari doonta kooxda AC Milan, cayaartaas oo dhici doonta 21-ka bisha May ee sannadkan 2016-ka.

2016425635971987593831501Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (1)2016425635971987711582635Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (2)2016425635971987801264098Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (3)2016425635971988518978846Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (6)2016425635971994549036130Kooxda_Juventus_Serie_A_Koob (7)

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews