berberatoday.com
Shil Baabuur oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa Oo Ay Ku Nafwaayeen Shan Ruux
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa saaka xilli hore uu shil baabuur oo aad u naxdin badan uu ka dhacay duleedka magaalada hargeysa gaar ahaana marka la dhaafo kaantaroolka haleeya oo dhinac bari kaga beegan magaalada hargeysa.

SHIL

Shilkan naxdinta badan ee saaka dhacay ayaa ahaa mid ay isku galeen laba gaadhi oo ahaa kuwa loo yaqaano booyadaha ee iyagu biyaha kasoo qaada degmada awbarkhadle isla markaana keena caasimada hargeysa.

Waxaana shilkan uu sababay dhimashada shan ruux oo labada booyadood kala saaraa halka tiro kale oo dad ahna uu dhaawac culusi soo gaadhay.

Maydka iyo dhaawaca dadka shilkani ku dhacay ayaa loosoo qaaday cusbitaalka wayn ee magaaalada hargeysa iyada oo dadkii ku dhaawacmay shilkaasna xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka.

Si kastaba ha aahate Waxa mudooyinkii u danbeeyey soo badanaya shilalka baabuurta iyaga oo sababaya khasaare iskugu jira mid nafeed iyo hantiyeedba walina ma jirto talaabo cad oo ay xukumaddu ka qaaday darawaliinta iyagu xawaaraha sare ku wada gawaadhida iyo waliba khibrad la,aan dhinaca wadidsa baabuurta ah oo iyana jirta oo wiil yar oo kasta oo aan aqoon buuxda ulayn qaabka wqad marista iyo kaxaynta gaadiidkaba gaadhi laysaga dhiibay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews