berberatoday.com
“Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne Wixii Uu Wasiirka Macdanta Ka Guran Jirey Buu Samsam Ka Doonayaa”..Xildhibaan Indho Indho
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(indho-indho), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo deel-qaaf ahaa oo uu hore xildhibaan Siciid ku dhaliilay hannaanka wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan u maamushay miisaaniyadda qaranka.

 

Xildhibaan Indho-indho oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Hubaal, ayaa eedaha ka yimi xildhibaan Siciid Xaaji ku tilmaamay qaar salka ku hayo dhuuni doon, waxana uu sheegay in xildhibaanka arrimaha noocaas ahi caadooyinkiisa kamid yihiin waxaana uu yidhi .

“Ninka siciid xaaji Afweyne la yidhaahdaa waxa uu caadaystay inuu gabadha wasiirka maaliyadda ah ee marwo Samsam Cabdi Aadan oo ixtiraam badan naga mudan, arrintaasina diinta iyo dhaqankeenaba waa ka xaaraan.

Siciid-na waa la ogaayoo wasiirka macdanta ayuu wax ka guran jirey oo uu eryan jirey, meelaha uu marayo iyo miisaaniyadda uu ku dhuumanayaana dhab kama aha, qodobka 55-aad ee distoorku waxa  uu sheegayaa in madaxda qaranka golaha iyo guddiyaduba u yeedhan karaan waxa ay doonayaana ay weydiin karaan, laakiin xildhibaan Siciid guddidiina kaligii ma aha golihiina kaligii ma aha”ayuu yidhi Xildh. Indho-indho.

Mudane Indho-indho waxa uu hogo tusaaleeyey hannaanka ugu haboon ee wasiir Samsam loo su’aali lahaa dhammaanba wixii laga tabanayo, waxana uu yidhi.

“Haddiiba wasiirka wax laga tabtay waxa ay ahayd in guddi ahaan ay warqad u qoraan wasiirka, guddiduna awood bay u leedahay,  laakiin waxa sharaf dhac ah inuu qodobkii awoodooda distooriga ahaydna meel ka dhac ku sameeyo nidaamkii la iskugu yeedhi jireyna uu baal maro.”

Mar uu xildhibaan Indho-indho ka hadlayey hadallo qedaf ah oo uu sheegay inuu xildhibaan siciid dhawaan ku tiraabay, ayaa tilmaamay inuu ka been abuurtay muddada xukuumadda u hashay, isla-markaana daymo aan wali la gelin ka hadlay waxaana uu yidhi .

“Siciid wuxuu yidhi sagaal bilood baa dawladda u hadhay, waa beentiiye sanad baa u hadhay dawladda, waxana uu abuuray nabadgelyo darro uu leeyahay ciidankii iyo shaqaalihiiba mushaharkoodii la goostay, meel lagu goostayna ma jirto, wuxuu abuuray hubsiimo la’aan uu dadka ku ridayo oo uu leeyahay  dawladdu deyman bay ka tegaysaa, laakiin dawladuhu daymanka way kala dhaxlaan, dawladdanina mid deyn ka tegaysa uma eka.”ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “siciido-ow markii halka milyan  iyo shanta boqol ee dollar aad Naaleeye Axmed Ceerigaabo ugu qaadday ma miisaaniyad bay ku jirtey, xaggeyse ku taallay miisaaniyaddii Nuur Axmed lagu soo xareeyey.

Maantana waddanka abaar baa ka jirta, miisaaniyadduna waa  male awaale wax la hubo ma aha, waxa uu Siciid wadaana waa Kicin shacab”ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho.

Waxa uu xildhibaan Indho-indho soo jeediyey in guddida joogtada ee golaha wakiilladu ay anshax marin u diraan xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne, isagoo raalligelin buuxda u diray marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana uu yidhi.

“Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilladu waa inay anshax marin u diraan, marka uu leeyahay dambi baa jira qofkana waxa  uu dembiile noqon karaa marka ay maxkamadi ku caddayso, wasiir xasaanad leh oo meel walba taagan oo ku mashquulsan wax siinta iyo caawinta dadkii abaartu leysay inuu sidaas u maago aad  baan ugu xumahay, waxa u geynayaana waa hunguriye golaha kuma metello, waanan ka raalligelinayaa wasiirka.”

Waxa uu xildhibaan Indho-indho hoosta ka xarriiqay sida ay wasiir Samsam ugu dhibirsan tahay deegaannada bariga dalka, isagoo intaas ku daray in dhaliisha xildhibaan Siciid salka ku hayso sidii uu u heli lahaa shilimaad “gaar ahaan deegaanada bariga wasiir Samsam wax badan bay noo tartaa waana na ixtiraamtaa, Siciid-na wixii uu wasiirka macdanta ka guran jirey buu ka doonayaa, laakiin ma haysee dad ooman oo dhimanayey jalaysaaye nin fooqyo dhisanaya oo magac gole ku dhuumanaya xoolo uma hayso.”ayuu yidhi indho-indho.

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan hadalkiisa kusoo afmeeray tusaaleyaal  miisaan leh oo uu ka bixiyey sida loogu baahan yahay in haweenka ixtiraam iyo qaddarin dheeri loo siiyo, waxana uu yidhi,“Siciid-ow gabadhii ay xaaskaaga is xigeen inaad maalin walba caydo waa laga fiican, haddii gabadha aad qabto ka xidhoon weydo kuwaaga u tudho.” ayuu ku soo koobay hadalkiisii .

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews