berberatoday.com
Markab Ah Kuwa Jiidda Xadhkaha Internet-ka Baddaha Hoostooda Mara Oo Kulaalaya Dekedda Berbera
April 29, 2016 - Written by Berbera Today

CableBerbera(Berberatoday.com)-Wararka Wargeyska Yool ka helaayo Magaaladda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayaa tibaaxaya inuu nawaaxiga Haabadda Marsada Dekedda Berbera uu ku laalayo mid kamid ah Maraakiibta jiidda Xadhka Internet-ka Baddaha hoostooda mara, kaasoo sida wararka qaar lagu sheegay u socday inuu dhigo mid kamid ah caraabadda Xadhkaha Internet-ka xambaara, ee afka qalaad loo yaqaano Fiber Optics‏ khooriga gacanka ku meersan Haabadda Dekedda Berbera ama nawaaxigeedda, waxana Wararku intaa ku dareen, in carabka Xadhiga Internet-ka ee Markabkani sido ay leeyihiin Laba Shirkadood oo ah kuwa Isgaadhsiinta, oo iyagu iska kaashadday Dhaqaalaha ku baxaaya Xadhigan, wallow iluhu ay ka qaabsadeen inay xuseen Magacyadda Shirkaddaha.

Hase-yeeshee, docda kale, waxa xoggaha qaar lagu sheegay in Carabka Xadhiga Internet-ka ee Markabkani jiidayo uu kasoo xambaaray Xeebaha Dalka Cumaan, halkaasoo sida xoguhu xuseen uu ka dhacay heshiiska Somaliland lagu keenay xadhigan.

Xadhiga Fiber Optics-ka‏ ama Intarnet-ka xambaara ee hadda la sheegay inuu soo gaadhay Markabkii siday nawaaxiga Dekedda Magaalada Berbera, ayaa haddii uu dhab noqdo, waxa uu noqonayaa xadhigii ama Fiber Optics-gii u horreyey ee Somaliland kasoo gala dhinaca badda, maadaama ay Somaliland kamid tahay dalalka Baddaha leh, oo iyagu aan u baahnayn in xadhig kan lamid ah looga soo talaalo Wadan kale. Sidoo kale, waxa hore u jiray xadhig xambaarsan magaca xadhka han Internet-ka ee baddaha hoostooda mara, oo laga soo qaaday dalka aynu dariska dhow nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana lasoo mariyey dhinaca dhulka ee xududa u dhaxaysaa labada dalka, kaasoo aakhirkii soo gaadhay magaaladda Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland.

Geesta kale, labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyey Xeer muran badan dhaliyey, oo ku saabsan nidaamka Isgaadhsiineed ee uu dalkani yeelanayo, Xeerkaas oo Madaxweynuhuna dhaqan-gelintiisa saxeexay.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Yool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews