berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Hinaasaha Safarrada Cirro Awgii, War-baahintiisana Faray Inay Warar Been ah Ka Faafiso
April 29, 2016 - Written by Berbera Today

hinaaseWashintong(Berberatoday.com)-Tan iyo intii ka danbeysay Isniintii Todobaadkan markii Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro uu dalka ka dhoofay, isagoo u sii jeedda Magaaladda Washintong ee Dalka Maraykanka, waxa Marba Mark aka danbeysaa kusoo noq-noqonaayey Bogaga hore ee Warbaahinta dhaqaaqalaha lagu siiyo taageeradda Muuse Biixi iyo sidoo kale, qaar kamid ah baraha bulshadda ee Facebooka ee gaarka u ah taageeraayaasha xaafadeysan ee Muuse Biixi, waxa kusoo baxaayey Warar qaafiyad xumida qoraalkooda marka laga yimaado ah Been abuur iyo wax aan sal iyo raad-toona lahayn, balse itaalkooda kuwa wax qoraya iyo kuwa soo dirayba ay la tahay inay ku xajiimeeyan Safarrada Diblamaasiyadeed ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro,

Kaddib markii sida muuqata Gudoomiyaha Md. Cirro kaga awood batay dhigiisa Kulmiye xidhiidha iyo Siyaasadda arrimaha dibedda. Tusaale ahaan, Warbaahinta dalqada indhaha ku leh, markii Isniintii todobaadkan uu dalka ka dhoofay Gudoomiye Cirro iyo waftigiisu, waxa Habeenimadiiba qalin-duurlayaasha Kiro u joogga ahi, bilaabeen qoraallo ay ku sheegeen Warar, kuwaasoo mark aula jeedkooda la eeggo nuxurkooddu ahaa, inay bulshada ka dhaadhiciyaan War odhanaaya in khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiye Cirro iyo Warbaahinta Madaxabanaan,sida darteedna loo ogaan waayey socdaalkii uu dalka todobaadkan kaga ambo baxay. Sheekadda Warkan oo marka laga yimaaddo Facebook-ga lagu baahiyey Wargeyska Hubaal.

Teeda kale, waxa taa xigay Warar kale oo iyana ku saabsan Xajiimeytan Safarka Gudoomiye Cirro ee dalka Mareykanka, kuwaasoo iyana nuxur looga dhigaayey in Gudoomiye Cirro aanu u xaqsoorin Beelaha Somaliland ee xubnaha waftiga ku weheliya, Warkan oo lagu faafiyey Warka uu Gudoomiyaha ka yahay Qalin-duurle Cabdiraxmaan Xirsi Heello, oo isagu weligii aan War iyo Maqaal toona intuu qalinka u qaato qorin, inuu War Warqad uu ka akhriyo Idaacad ama Tv kasii daayo mooyee. Wararka noocan ah waxa u danbeeyey mid caawa fiidkii hore lagu faafiyey shabakadda http://somalilandallreports.com/iyo barta uu Facebook-ga ku leeyahay Agaasimaha Tv-ga HCTV Maxamed Cabdi Ilig, Warkaasoo isagana nuxurkiisu ahaa Gudoomiye Cirro oo lagu xidhay dalka Mareynkanka.

Wararka noocan ah, oo marka si walba loo eeggo ah kuwo xaqiiqadda ka fog, ayaa ujeeda kaliya ee laga leeyahay ay tahay, hinaase ka dhashay waji-gabaxii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kala Kulmay Safaaraddaha Dalalka Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo uu doonay iyadoo aan la marin Nidaamka loo maro qaadashada Fiisaha, in todobaad gudihii lagu siiyo, taasoo ah mid ka araadan Diblumaasiyadda iyo xidhiidha Madaxda Caalamka ee Nidaamka Dalbashada Fiisayaasha.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews