berberatoday.com
Safiir Ku Xigeenka Safaaradda S/land ee Itoobiya oo Sameystay Koox Arday Ah Oo U Ku Shaqeysto Iyo Fadeexado Dul Hoganaya.
April 29, 2016 - Written by Berbera Today

Safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya Mr Ayaanle Salaad Diiriye ayaa waxa uu ardayda reer Somaliland ee jaaamcahada ka dhigta dalka itoobiya ka dhex sameystay koox arday ah oo uu isagu ku adeegto,kooxdan oo u qaabilsan dhawr arimood oo ay ka mid yihiin, kow in uu la kulansiiyo masuuliyiinta dawladda Somaliland ee booqashada ku yimaadda itoobiya,iyadoo ay amaan iyo wax qabad uusan lahayn Ayaanle ka sheega oo ka dhaadhiciya masuuliyiinta si ay khalad uga fahmaan waxqabadka beenta ah ee uu Ayaanle sheegto,si masuuliyiintu u aaminaan Ayaanle,qodobka labaad ayaa ah in uu ku dawarsado kooxdan gaar ahaan xiliyadda ay ardaydu qalin-jabinayaan iyo xuska18may-da oo kale ,wuxuu kooxdan faraa in ardayda lacago laga soo ururiyo iyo ganacsatada soomaalida ee xaafadda Bole ee Addis ababa ku leh ganacsi iyadoo weliba akhriste ay dhaceen fadeexado la xidhiidha lacag ururintaasi oo waxa ka mid ahaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee dhacay in ganacsato aan reer Somaliland ahayn la weydiiyey lacago lagu qabto xafladda balse qaar ka mid ahaa ganacsatadaasi ay si cad u sheegeen in aysan ahayn somalilander marka khalad ay tahay in lacago laga ururiyo kadibna meeshii is qabqabsi ka dhaco oo gacan ka hadal dhex maray,arintaasi oo fadeexad iyo ceeb ku noqotay dadkii reer Somaliland,iyadoo ceebtaasi u horseed ka yahay Ayaanle Salaad Diiriye safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya.
Umadda Somaliland iyo xukuumadda uu hogaamiyo Ahmed Siilaanyo waxa haboon inay ogaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya,iyadoo uu ka jiro xarunta safaaradda musuq-maasuq baahsan oo ragaadiyey shaqadii iyo waxqabadkii safaaradda Somaliland akhriste xitaa waxa fashil weyn ugu filan safiirka iyo safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya in ay awoodi kari waayeen in ay balan uga sameeyaan wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire dhigiisa dalka itoobiya,iyadoo ay xusid mudan tahay in wasiir Sacad markii shanaad uu booqasho ku yimid dalka itoobiya balse nasiib daro ah in uu la kulmi kari waayey nidaam xumadda ka jirta safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya awgeed,sidaasi oo ay tahay ayaa waxay xarunta safaaraddu u muuqataa meel ay ku shaqeystaan safiir ku xigeenka iyo safiirka oo isku beel kaliya ka soo wada jeeda,taasina ay ceeb weyn ku tahay madaxweyne Siilaanyo oo soo magacaabay laba nin oo ilmaadeer ah.
Hadaba waxaan halkan umadda reer Somaliland ugu soo gudbinayaa kooxda uu sameystay Ayaanle Salaad Diiriye ee uu ku shaqeyso ,
Gees kale waxa u safiir ku xigeenku xubni ka yahay shaqsiyada shaqo ka dhigtay inay ku shaqaystaa magac iyo haybada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka itoobiya kuwaaso ku raadsada hanaan maaliyada oo ay madaxda iyo ganacsata reer Somaliland ka qaadan iyadoo sheegay inay wax ugu qabayaa ardayda reer Somaliland ee dalka itoobiya balse lunsaday lacagaha ay ku helaan magac ardayda reer Somaliland ee dalka itoobiya , sida aan ku hayo warka lacago badan oo laga ururiyey dadka ganacsata ka shaqaysta magaalada Addis ababa oo dhamayd 20,000 oo biro oo dhigta 1000$ iyo lacag u soo diray wasiirka wasarada arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo dhamayd 1000$ taas oo shaqsi ka mid xubnaha isku magacaabay inay yihiin gudida ururka ardayda reer Somaliland ee dalka itoobiya ka soo qaadeen xawalada DAHABSHIIL , waxa kale oo jirta lacago badan oo ay soo direen masuuliyiin qaranka Jsl oo u ka mid yahay Duqa caasimada Hargeysa C/raxman soltelco lacagtaasi iyo lacago kale oo masuuliyiin dawladda Somaliland ahi soo direen ay musuq maasuqeen safiir ku xigeenka iyo qaar ka mid ah kooxda uu sameystay.

Waxaana ugu baaqay inuu safiir ku xigeenku faraha kala baxo arimaha ardayda reer Somaliland ee dalka itoobiya ,sidoo kale waxa ardayda u inan la aamin xubnaha isku magacaabay inay yihiin gudida ardayda reer Somaliland ee waxka bartay dalka itoobiya ,Waxaan ugu bushaaranayaa ardayda qalin jabinaysa in dhawaan la qaban doon kulan lagu dooran doono gudida saxd ah ee mateli doonta ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka itoobiya taas oo ay gudidu diyaarin doonto qorshaha qabashada xaflada qalin jabinta ardayda sanadka qalin jabisay sanadkana 2016

 

 

 

Qalinkii : Dr : Maxamud Cali Yusuf (Madhaafan)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews