berberatoday.com
Akhriso Sababaha Xilka Qaadista Wasiir Abgaal Iyo Taliye Xiirane Iyo Dagaal Ganacsi Oo Hor Leh Oo Ka Dhex Bilaamay Xukumada+Xiisada Ka Dhalankarta+Fadeexadii Ay Xambaarsanayd Warqada Xilka Ka Qaadistu.
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

 xilka qaadistaBerbera(Berberatoday.com)-Dagaal ganacsi oo ka dhexeeya Ganacsade ina aw Siciidka Jabuuti iyo Jimcaalaha Muqdisho ee Ex Barakaat ayaa sababay in xilka laga qaado laba tiir oo ka mid ahaa Xukuumada Siilaanyo oo kala ahaa Wasiirkii Boosaha mr Abagaal iyo Taliyihiii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Mudane Xiirane Xilka qaadista labadan Masuul ayaa ka danbaysay ka dib markii uu dekeda Berbera isa soo taagay Markab sida intarnadka Optic Viberka Kaasi oo maalmihii u dembeeyey marsada magaallada Berbera duleedkeeda ka samaynayay sahamin la xidhiidha qorshe ay qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta somaliland dalka ku keenayaan Internetka badda hoosteeda mara ee Optic Viberka, kaasi oo xawaare sare leh. Internetkaas oo imaanshihiisa ay isu bahaysteen sida warku tibaaxayo laba kamid ah shirkadaha isgaadhsiinta dalka, kuwaas oo heshiis ogalaanshiyo ah la galay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta oo iyadu xukuumadda u qaabilsan isgaadhsiinta , isla markaana wasiir Maxamed Jaamac Abgaal uu qalinka ku duugay warqadda heshiiska imaanshiyaha internet-ka, sidaasna uu ku dhaqan galay, markabkuna u bilaabay sahaminta mashruucan,sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu taliyaha ilaalada xeebuhu isna ka dhega adaygay inuu markabkaas ka caydhiyo bada. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in markii arrintani dibada u soo baxday loo yeedhay wasiirka isla markaana uu madaxweynuhu ku amray in uu kansal gareeyo heshiiskii uu saxeexay, hase yeeshee uu wasiir abgaal diiday, isaga oo sida warku tibaaxay ku adkaystay go’aanka hore, sababtaasina ay ku dhereran tahay xilka qaadistii amar lagu sheegay kana muuqatay cadhadu. Eriga labadan masuul ayaa ka dhalatay dalab ay soo qadimeen Ganacsataha ina awsiciid iyo Muuse Biixi oo kuwaasi oo iyagu hore u waday jiidista xadhiga intarnedka Optic Viberka ee bada hoosteeda mara. Wararka ayaa sii iftiiminaya inay xadhkahan ay xadhkahan uu markabkani xanbaarsanaa ay iska kaashadeen Shirkado muwaadiin ah iyo ganasade Jimcaale,isla markaana ay ka dhalatay cadho dhinaca ganacsiga ah oo keeni karta kaambayn iyo nacayn soo wajahda ganacsiga geeska afrika,waxaanaynu arki doonaa halka ay salka dhigato Dhanka kale waxaa iyana xusid mudan Qoraalka xilka qaadista Xilka lagaga qaaday labadan masuul ayaa ahayd warqadii ugu horaysay ee xambaarsanayd sababta xilka lagaga qaaday labadan masuul taasi oo lagu sheegay inay amar diido ku sameeyeen madaxtooyada,halkaay labadan masuul fulinayeen xilkii ay umada u hayeen ee uu madaxwaynuhu u igmaday.

MUUQAALKA MARKA XADHIGA XAMBAARSANAA EE JIIDAAYAY OO TAAGAN DULEEDKA DEKEDA BERBERA QAADANAYANA SARVEY CAMARA

Markabka

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews