berberatoday.com
“Anagu Inaanu Somaliya La Hadalno Meel Adag Ayaanu Iska Taagnay, Mawqif Adagna Waanu Ka Lahayn”Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Axmed Yuusuf Yaasiin H
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Deeq bixiyayaashu Doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in iyaga la’aantood Doorasho qabsoomaysaa aanay jirin, waxaanu ku taliyey in la isku tashado, oo la qorsheeyo sidii ay Somaliland Doorashooyinkeeda iskeed u qabsan lahayd.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay  Tahriibka Dhalinyarada, Diiwaangelinta maanta ka bilaabaysa Gobolka Maroodi-jeex iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,  waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Doorashadii loo codeeynayey Dastuurka, Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ugu horeeysey iyo Doorashadii Madaxtooyada

ee ugu horeeysay inaga ayaa u madax banaanayn, kharashaadkii ku baxayna intooda ugu badan bixinay, laakiin Doorashadii Golaha Wakiilada ayaa si toos ah Deeq bixiyayaashu inoo soo fara gashadeen, Doorashooyinkii ka dambeeyeyna iyaga ayaa kharashka inta ugu badan bixinaayey, waxayna inta badan Doorashooyinka bixinaayeen boqolkiiba todobaatan (70%), wakhtigii aanu xilka haynay wax dhacday inay diideen in la diiwaangeliyo dadka degan Gobolada Barriga, anagu umaanu joojin, ee dadkii ku dhaqnaa Goboladaas waanu diiwaangelinay, kharashaadkiina waanu bixinay, imikana waxa laga yaaba in marka la gaadho Gobolada Barrriga inay diidaan in Goboladaas wax Diiwaangelin ah laga sameeyo, markaas sida ay hadda tahay una muuqato waxayna Doorashooyinkeena u daba fadhinaa Deeq bixiyayaasha oo haddii ay bixiyaan kharashadkaas Doorashooyinku wey dhacayaan, haddii se ay bixin waayaan ma dhacayaan, markaas waxa aan anigu ku talin lahaa ayeynaan Doorashooyinkeena cid kale ku helaynin, ee inagu aynu tashano oo Sannad walba Miisaaniyadda kharash ha loogu daro Doorashada, si aynu ugu maarano gacan kale”.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Anagu in aanu Somaliya la hadalno meel adag ayaanu iska taagnay, mawqif adagna waanu ka lahayn, waxaanu ku xidhnay shuruud ah mar aad soo gaadhaan halka aanu marayno ee aad yeelataan Barlamaan iyo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen dadku iskood u soo doorteen ayeynu wada hadli karnaa, laakiin haddii ay Xukuumaddani wada hadal la furtay Somaliya, Turkiguna uu ogol u fidiyey, waxa haboonayd in aanay wada hadal oo qudha Somaliland iyo Somaliya, ee waa in loo yeedha Jabuuti, Somalida Itoobiya, Somalida Kenya, wadamadii guumaystay sida Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska, si meel wax la iskula dhigo, oo loo ogaado xaqiiqda, maxa yeelay markii ay Somaliland ku biiraysay Somaliya, waxay raadinaysay Somali weyn iyo inay shantii Somalidu isku biiraan, laakiin haddii ay taasi dhici weyday, oo Somaliland dhib badan iyo cadaadis badan oo lagu hayey kadib ay xoriyadeedii dib ula soo noqotay, waxa waajib ah in shantii Somalida wada mid noqoto ama ay kala tagto”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar wuu ka hadlaayey Tahriibka Dhalinyarada ayaa yidhi “Ugu horeyn waxaan taci u dirayaa Umadda, Waalidka iyo Shacabka ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhintay tahriibka, waxaana ALLE uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo, waxa jira shabakad isku xidhan oo dadka tahriibaya, haddii ay noqoto magafayaasha yo haddii ay noqoto dad Somaliland ku sugan, waxa aan Xukuumadda, Ciidamada iyo Shacabka reer Somaliland ku boorinayaa inay iskaashi ka sameeyaan arintaas, oo waa la garanayaa dadkaas ee gacanta ha lagu dhigo, oo sharcigana ha la hor keeno, oo xattaa Xaawaladaha lacagta loogu diro dib ha loo eego waxna ha la weydiiyo.

Iyaga dhalinyarada waxaan leeyahay waxaad tihiin ubixii dalka, waxaad tihiin Madaxdii bari, ee dalkiina aamina, oo dadkiina ka shaqeeysta, wadamada aad tagaysaan waxa horumariyey dad idinka idinla mid ah, haddii aad maanta dalka ka carartaan, dadka waaweyni bari ka maalin wey dhimayaan, markaas waxaan idin leeyahay dalka cidna ha uga tagin, cidna ha ku halaynina”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa dhinaca kale wuxuu ku taliyey in la sameeyo qorshihii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa, wuxuu ku baaqay in la badiyo wax soo saarka dalka, in wax la beero, in kalluunka laga faa’iidaysto, in laga tago manhajkii uu Ingiriisku dajiyey ee lla sameeyo manhaj la jaandaqadaya Waxbarashada casriga ah, wuxuu soo jeediyey in dib loo soo celiyo Dugsiyadii farsamada gacanta, waxaanu tilmaamay in haddii la helo intaas iyo in la mid ah in aanay dhalinyaradu tahriibteen.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in kaadhka Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo maanta ka bilaabaysa Gobolka Maroodi-jeex inay si fiican u qaatan, waxaanu sheegay inay kaadh qaadashadu muujinaso muwaadinimada Shacabka, waxaanu ku taliyey in si nabadgalyo ah loo galo Diiwaangelinta oo la ilaaliyo Diiwaangelinta.

 

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews