berberatoday.com
“Annagu Iskama Difaaci Karno Madaxtooyo Sharcigu Yahay Doonisteeda…” Gudoomiyaja Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

Dacwad Ciqaab ah oo Madaxtooyadu Ku Oogtay Wargeyska Ogaal oo Mar kale Maxkamaddu Muddaysay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa mar kale dib u muddaysay Khamiista toddobaadkan oo ku beegan 5.May.2016  dhegaysiga Dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyadu ku soo oogtay Wargeyska Ogaal, taasoo eeddeeda lagu saleeyay warar uu wargeysku qoray bishii siddeedaad ee sanadkii hore 2015.

GUDDOOMIYAHA WARGEYSKA OGAAL MUUSE FAARAX JAAMBIIR

GUDDOOMIYAHA WARGEYSKA OGAAL MUUSE F. JAAMBIIR

Dacwadan ciqaabta ah oo ay oogisteeda ku qoran yihiin Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina Weris, eedaysanena uu ka yahay Gudoomiyaha wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir oo mudaynteedii hore ay dib uga dhacday dhanka Maxkamadda ayaa mar kale qarreenadda wargeysku sheegeen in dib loo mudeeyay bisha May 05.2016, maalintaas oo ah khamiista toddobaadkan bilowga ah. urruradda saxaafadda iyo urruradda xuquuqda aadamiga u doodda ayaa ugu baaqay garsoorka Somaliland in dacwadaha saxaafadda loo maro xeerarka maddaniga iyo xeerka saxaafadda, isla markaana la laallo adeegsiga xeerka ciqaabta, hase yeeshee ilaa hadda waxa la dhawrayaa talaabadda ay qaado maxkamaddu.

Dhanka kale Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir oo warbaahintu wax ka waydiisay kiiska loo haysto ayaa ku jawaabay oo yidhi;“Anagu ma nihin budhcad dad dhacday, ma sidano qori, waxaanu sidanaa qalin, waxaanu qoray war, ma diidanin in nala dacweeyo, balse ciddi wax ka tirsatay wararkaa, aan isku waajahno dacwad madani ah oo ku salaysan xeerka saxaafadda, aan helo garsoor siman oo na kala xaq siiya. laakiin tan loo adeegsanayo xeerka ciqaabta uma aragno cadaalad, waxaanu u aragnaa cabudhin, waxaanu u aragnaa marmarsiinyo loogu raad gadanayo in albaabadda loogu xidho wargeyska Ogaal iyo Wargeysyada kale ee xayiran, sidii kuwa horeba loogu xidhay. Markaa waxaanu eegaynaa Maxkamaddu siday ka yeesho dacwadaha ciqaabta ah ee lala beegsanayo warbaahinta madaxa banaan, iyadoo la diiday in la galo kiisaska dhanka ka ah wasiiradda waxyeela weriyayaasha. Sidaa darteed haddii aan dacwadan iyo kuwa kale ee saxaafadda lagu soo dabaalin habka maddaniga ah iyo xeerka saxaafada oo ciqaabtaa lagu wato, anagu iskama difaaci karo madaxtooyo sharcigu yahay doonisteeda xitaa haday sharcidaro tahay, waxay diidantayna sharci darro yahay xitaa hadduu sharci yahay.”

 

 

HALKAN HOOSE KA AKHRISO LABADA WAR EE LAGU DACWEYNAYO WARGEYSKA OGAAL OO LABADUBA KU SAABSAN WAREEJHINTII HAAMAHA KEYDKA SHIIDAALKA IYO XAALADIHII KA DHASHAY

 

– Xarraarada Berbera Iyo Qayla Dhaanta Qorshaha Marwooyinka Awoodda Ee Dhaxal Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka

Hargeysa(Ogaal) Iyadoo koox Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Wakiiladdu ay ka digeen dhaxal wareejinta Haamaha kaydka shidaalka iyo Dekedda Berbera, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in todobaadkan la sameeyay shirkad loogu talagalay in lagu wareejiyo haamaha kaydka shidaalka.

Dhawaan ayay soo duushay in madaxtooyadu doonayso in haamaha lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana waxa jiritaanka arrintan sii bayaamiyay qaylo dhaan ka soo yeedhay kooxo xildhibaanadda wakiiladda ka tirsan. Inkastoo ay horeba u jireen shirkado shidaalka ka ganacsada oo la tilmaamo inay baddidooda  saamiyo ku leeyihiin xubno golaha xukuumadda ka tirsani, haddana waxa haatan isa soo taraya tibaaxo iftiiminaya abuuritaanka shirkado cusub oo diiwaangelintooda iyo sharciyayntooda la waday maalmahanba. Siday sheegeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo xog ogaal ah, waxa jira shirkado cusub oo udubkoodu qoyan yahay, kuwaasoo loogu talagalay inay ka qayb galaan shirkadaha lagu wareejinayo haamaha kaydka shidaalka oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa cusubba. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in shirkadahan cusub ay leeyihiin qoyska madaxtooyadu, isla markaana shirkado isku darkoodu gaadhayo ilaa 7 shirkadood oo isugu jira kuwii hore iyo kuwan cusub ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo 25 sanno.

Xogguhu waxay intaa ku ladheen in qorshahan ay hormood ka yihiin Marwadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu, isla markaana tibaaxaha mashruucan cusubi waxay rumaynayaan, in shirkadaha lagu wareejinayo laga doonayo lacag qadimaad ah oo gaadhaysa min hal milyan oo doolar. Hase ahaatee waxay xoggaha qaar sheegeen in ilaa laba shirkadood ay dib uga faagteen ka qaybgalka qorshahaa oo ay u arkeen mid halis ah oo aan loo badheedhi Karin in xoolahooda ku biimeeyaan. Laakiin waxa soo duushay in ilaa hadda ay diyaar u yihiin ka qaybgalka qorshahan 7 shirkadood ay badi leeyihiin ama saamiyo ku leeyihiin qoyska madaxtooyada iyo Wasiiradda ugu awooda badan talada dalku. Xogaha qaar waxay tibaaxeen in shirkadahaa wadar ahaan loogu wareejinayo haamaha, oo iyagu dhexdooda ay samaysan doonnaan maamul u dhexeeya oo qolo walba waxeeda uga masuul noqda. Halka xogahaa qaarna ay ka iftiiminayaan in la doonayo in lagu wareejiyo laba shirkadood oo ah kuwa cusub ee hadda la abuuray, tibaaxda sadexaadna ay tusmaynayso in qorshuhu yahay, in la siiyo shirkad keliya oo ay shuraako ku yihiin haweenka loo tirinayo inay ugu awood badan yihiin taladda qaranka.

Hase yeeshee tibaaxahaa ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaa oo sugaya xaqiiqadda jiritaanka wararkaa. Dhinaca kale qorshahan cusub ayaa durba rayulcaamka dadweynuhu si wayn uga diday, isla markaana dadka reer Berbera, gobolka Saaxil iyo guud ahaan goboladda kale ayaa laga dareemayaa hadal haynta barnaamijkan cusub oo lagu tilmaamay mid dhooba qaad ah oo halis ku ah jiritaanka adeega guud ee umadda. Xisbiyadda mucaaridka xubno uga hadlay magaaladda Berbera ayaa iyana qayla dhaan wayn oo la mid ah tii xildhibaanada kaga digay isku daygaa oo ay ku tilmaameen dhaxal wareejin.

Dhanka kale siday tibaaxeen xoggo u dhuun dalloola golaha wakiiladdu, waxa socda dhaqdhaqaaq mooshin ay xildhibaanadu ku beegsanayaan joojinta mashruucaa lagu mulkisiinayo dad gaar ah kaydka guud ee qaranka.

Dildilaaca Fadeexadda Shuraakadda Boobka Haamaha, Dakhliga Ka Soo Hoyda, Mooshinka Wakiiladda Iyo Madaxtooyadda

 

“Sadex Qof Baa Boobkan Haamaha Shuraako Ku Ah, Madaxweyne  Gurrigiisa Laga Dillayana Ciddi Ma Badbaadin Karto”

 Hargeysa(Ogaal) Gudi hoosadka  Ilaalinta Hantida Qaranka  iyo Dabagalka Musuq maasuqa  ee golaha wakiillada, ayaa  Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ka hor akhriyey Warbixin ay ka diyaariyeen kulamo ay la yeesheen Maamulka Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

 Guddoomiyaha Gudidaa Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo warbixin dheer ka Akhriyay Golaha hortiisa ayaa sheegay in aan wakhtigan loo baahnayn in la wareejiyo Kaydka Haamaha Shiidaalka oo uu sheegay in 18-kii bilood ee u danbeeyay ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Dollar, waxaanu xusay in dhaqaalaha intaasi leeg qaranku ka helo haamaha Shiidalka loona baahnayn in dad Gaar ah ama Shirkado lagu naasnuujiyo.

 Waxa ay guddidu soo jeedisay in golaha wakiilladu go’aan ka soo saaro wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera islamarkaana goluhu laalo qorshaha xukumaddu ku wareejinayso haamaha shidaalka.

 Guddoomiyaha guddida ayaa cawaaqibka ka dhalanaya iyo dastuur jabinta wareejinta haamaha u akhriyay golaha waxaanu yidhi, “tani waxay keenaysaa in loo xidho Kooto, oo shirkaddo gaar ah kooto loogu xidho, taasina waxay jabinaysaa dastuurka oo sheegaya suuq xor ah, waxayna noqonaysaa naas nuujin iyo in cid gaar ah loo xidho ganacsiga shidaalka, mar haddaan umadda la soo dhex dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan qandaraas lagu bixin, waxay keenaysaa inaanay shirkaddahani  ogolaan shirkaddo kale oo shidaalka keena, tusaale ahaan shiraddahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba shirkaddo kale ay keenaan markab badrool ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna shirkaddaha lagu wareejiyay ma ogolaanayaan inay badroolka shirkaddo kale oo tartan ka dhexeeyo lagu shubo haamaha.

 Inaanay Shirkaddahan yaryari samayn Karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto haamaha, sidaas darteed ma jirto sabab shirkaddo yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haamaha inay ku wareejiso shirkad kale oo awooda, tusaale haddii 4 Milyan dollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awooda way ku wareejin kartaa, laakiin in shirkaddahan yaryar ee is urursaday dawladda ka qanisan yihiin ma muuqato.”

Halkuu markuu Guddoomiyuhu guddigu marinayay warbixinta uu golaha ka hor akhriyay,  ayaa buuq iyo Sawaxan laysla oogsaday madasha, isla markaana waxay aqlabiyadda  xildhibaanadu markii u horaysay   soo jeediyeen in cod loo qaaddo mashruucan wareejinta haamaha oo ay ku tilmaameen mid xaaraan ah oo sharcidarro ah. hase ahaatee guddoomiyaha Cirro  ayaa ka codsaday in maanta dib loo dhigo  cod qaadista, ka horna ay mudaneyaashuna soo akhristaan warbixinta guddidu ka diyaarisay kaydka haamaha shidaalka, taasoo u baahan in mooshin laga dhigo ka hor intaan loo codayn.

Dhanka kale warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola madaxtooyadda, ayaa tibaaxay in madaxtooyadu isku hawshay siday u baajin lahayd qabsoomidda fadhigaa, isla markaana ay ollole u gashay sidii xildhibaanadda muxaafidka ahi uga dareeri lahaayeen, hase ahaatee isku daygaas ayaa la tilmaamay inuu noqday mid fashilmay kadib markii xildhibaanada goluhu mucaarid iyo muxaafidba muujiyeen in danta umaddu ku jirto in la joojiyo barnaamijkan oo loo arko mid baal marsan sharciga. Xogahaasi waxay intaa ku dareen in xildhibaano tiro yari ay u taagan yihiin hiilka mashruuca madaxtooyada ee wareejinta haamaha, isla markaana sadex keliya ayaa shalay madasha ka baxay, kuwaasoo laba ka mid ahi ka soo jeedaan gobolka Saaxil. “Sadex qof baa boobkan shuraako ku ah, Madaxweynahana sumcad dil bay ku tahay, Madaxweyne  gurrigiisa laga dilayana ciddi ma badbaadin karto, markaa ma taageeri karo xaarraan sadex qof haamaha umadda ku yeelanayaan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaanadda muxaafidka ee sida wayn u difaaca xukuumadda Axmed Siilaanyo, oo ka mid ahaa xildhibaanada ka cadhaysan qaabka loo maamulay barnaamijkan haamaha ee ka qaybgalay fadhigii shalay.

Mashruucan wareejinta haamaha shidaalka ayaa lagu tilmaamay mid lagu xalaalaysanayo hantida umadda, iyadoo aan loo marin sifo sharci ah.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews