Wasiirka Qorshaynta oo Bulshadda Ku Dhaqan Gobolka Maroodijeex Ugu Baaqay Inay Si Dardar Leh Uga Qayb Qaataan Dinwaangalinta
April 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka qorshaynta somaliland mudane Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) ayaa guud ahaanba bulshadda gobolka maroodijeex ugu baaqay inay si dardar leh uga qayb qaataan hawlaha dinwaangalinta ee ka bilaabmay gobolka maroodijeex
wasiirka qorshaynta wuxuu sheegay in dinwaagalintu ahmiyad muhiima u leedahay qaranka somaliland islamarkaana ay tahay sunaha dalalka dimuqraadiga ah ee caalamka kuwaas oo ay kaalinta hore kaga jirto somaliland islamarkaana loo baahanyahay inay bulshadda gobolku si wadajira uga qayb qaataan sidii ay isku dinwaangalin lahaayeen