berberatoday.com
“Faysal Wuu Riyoodee, Hadmuu Soo Rogaal Calin. Horaa Loo Yidhi Wanka Ilaa Gawraco Indhihiisu Cirka Ma Arkaan..Nin dariiq xarriiqdaa Garan kara dayowdee Dhidarkii ku kacay danab Doc kastaaba waw toos”. Maxamed gacayte.
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Faysal Cali Waraabe oo ku riyooday in Xisbiga uu kaligii leeyahay, siduu doonana ka yeeli karo ciduu doono xilka ka qaadi kara, ciduu doono magacaabi kara, Gole Dhexe iyo Fulin mid toona aanu jirin, kaliya isagu yahay gudoomiyaha wax walba. Waxse aanan garanayn xiliga soo baraarugi doono.

Faysal Wuu Riyoodee, Hadmuu Soo Rogaal Calin. Horaa Loo Yidhi Wanka Ilaa Gawraco Indhihiisu Cirka Ma Arkaan..Nin dariiq xarriiqdaa
Garan kara dayowdee Dhidarkii ku kacay danab Doc kastaaba waw toos.
Axsaabta siyaasada Somaliland waa Xisbiyo Qaran, waa Hanti Qaran oo aanu qof kaligii sheegan karin, kuna tagri fali karin wax ka baxsan awoodahiisa uu siiyay nidaamka iyo Xeerka Xisbigu.
Waxa la yidhi ninbaa barri riyooday, kolkaasuu madal laysugu yimid kaga sheekeeyay, dadkii ayaa la dhacay sheekadii, isagoo meel fiican marinaya oo qof walba is waydiinayo maxaa xigi tolow, ayuu yidhi halkaa markaan marayay ayaan soo baraarugay, inta lays wada eegay ayaa la yidhi oo waxaguba ma riyay ahayd.  Waxa taas ka dhigan Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ku riyooday in Xisbiga uu kaligii leeyahay, siduu doonana ka yeeli karo ciduu doono xilka ka qaadi kara, ciduu doono magacaabi kara, Gole Dhexe iyo Fulin mid toona aanu jirin, kaliya  isagu yahay gudoomiyaha wax walba. Waxse aanan garanayn xiliga soo baraarugi doono. 
Mudooyinkan u danbaysay ee uu jiray khilaafka xisbigu waxa uu faysal caadaystay inuu ku tagri falo wax ka baxsan awoodaha uu siiyay xeerka ucid, taasina ay muujinayso badheedhaha faysal doonayo inuu ku burburiyo xisbiga, isagoo u shaqaynaya xisbi kale, taasina waxay keentay inuu gabi ahaanba ka baxo xayn daabkii sharci ee xeerka ucid jideeyay, kuna raaligaliyo xisbiyo uu tartan ka dhaxeeyo. 
Talaabooyinkan murugsan ee uu marin habaabinayo faysal cali waraabe, gabi ahaanba waxay ka horimanayaan geedi socodka dimuqraadiyada somailand iyo jiritaanka qaranimo. Waxa nasiib daro ah in nidaamka xisbiyada badan oo maanta qaangaadh ahi, la curyaamiyay lagana dhigtay hanti uu shakhsi iska leeyahay sida gudoomiyaha ucid oo mudo 15 sano ah lasoo taagan gudoomiyaan ahay isagoo tiraba laba jeer u tartamay Madaxweynenimo labadaasna ku guul daraystay oo ay ahayd in laga fadhiisiyo ayaa ilaa maanta indho adkaan lasoo taagan oo waliba damacsan mar saddexaad inuu is sharaxo..! Waxaan leeyahay  yaan caqliga bulshada la caayin oo yaan Qaranimada la dhaawicin, Waxyaabah Tahriibiya Dhalinyarada ayay ka mid tahay.  
Xisbiga ucid waa Xisbi Qaran maaha xisbi Faysal leeyahay, malaha  faysal wuxuu ku riyooday Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga Soomaaliyeed, kaas uunbay ka suurtoobi jireen talaabooyin aan talo iyo tusmo midna ku dhisnayn ee uu ku dhaqaaqay. Gudoomiyaha xisbiga waxa u hadhay uun inuu yidhaa “Anniguna xilkiibaan iska qaaday”, ilayn aduunka maynu arag Guddoomiye xisbi oo yidhaa Ku Xigeenkii waan ka qaaday xilkii, Xubnahii Golaha Dhexe Waan ka saaray xubinimadii, Xogahayahii Golaha Dhexe waan ka saaray xisbiga, waxaan leeyahay taasi wax soconaya maaha waana riyo aan soconayn, faysal cidna xilka kagama qaadi karo awood  ka baxsan awoodaha uu siiyay xeerka Ucid. Balse soomaalidu waxay tidhaa “midaamo dhago maleh haduu malag dhawaaqaayo”. Faysal wuxuu ogaaday inaanu guul ka gaadhayn hirgalinta mashruucii lagasoo maleegay madaxtooyada iyo kulmiye. Kadib markii Ucid intii ugu badnaydna kazoo horjeedsatay marka laga reebo shakhsiyaad waji ku macaash ah qaarkoodna golaha dhexe kulmiye ku jiraan, Waana ta keentay in la gudbiyo dacwad u dhaxaysa Ucid iyo Faysal Cali Waraabe, maalamaha soo socdana go,aan lagasoo saari doono.
Dhinaca kale Xaalka faysal cali waraabe waa “nin qoyani biyo iskama dhawro” markuu ka talaabsaday awoodahii uu  siiyay xeerka ucid, mashruuciina socon waayay waa ged lagu yaqaan inuu gabi dhacleeyaa oo kolba meel isku qaadaa. Waxaan taageerayaasha ucid iyo bulshada Somaliland u sheegayaa in Shirka Golaha Dhexe ee Ucid ee la qaban doono July 10 2016, Ajandahiisa ugu wayn yahay mid lagaga arin sanayo Hogaanka Xisbiga, Faysalna aanu sidan ku noqon Karin gudoomiyaha xisbiga, shirkaasna lagu dooran doono Hogaan cusub oo xisbiga guul u horseedi kara, sidoo kalana lagu dooran doono Guddoomiye ku meel gaadh ah ilaa inta la gaadhayo Shirweynaha Xisbiga Ucid ee ku began Jan. 2017, kaasoo shantii sano mar la qabto. Marlabaad waxaan fariin u dirayaa taageerayaasha Musharaxa  Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen, waxaan leeyahay isku duubnaada, halganka halkaas kasii wada, u dulqaata turaanturooyinka siyaasadeed una samira, xaqa ayaa guulaysanaya, waxaynu doonaynaa waa isbadal ee guntiga dhiisha iskaga dhiga.
Guul iyo Gobanimo 
Alaa Mahad Leh
Mohamed Aadan Gacayte
Xubin Golaha Dhexe Ucid
Email: gacayte09@gmail.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews