berberatoday.com
Puntland Oo Ka Hadashay Gaadhi Lagala Soo Baxsaday Oo Ay Xukuumada Somaliland Ucelisay.
May 2, 2016 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliiska Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amaan iyo mahadnaq ugu soo jeediyey Ciidanka Booliiska Somaliland kaalintii ay ka qaateen dib u celinta gaadhi lagala soo baxsaday, isla markaana sheegay inuu iskaashi isu-celin  ahi u dhexeeyo labada ciidan.

AAA

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Sareeye guuto  Cabdirasaaq Yuusuf Af-guduud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Somaliland dib ugu soo celiyeen gacantooda gaadhi lagala baxsaday, waxaanu yidhi “Gaadhiga lala baxsaday waxa lahaa ciidanka Booliiska Puntland, waxaanu ka codsanay taliyaha booliiska Somaliland inuu noo soo celiyo, waanu noo soo celiyey. Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal, oo naga dhexayso wax isu celin, sidaan annaguba hore dad lacago iyo wax kale la soo baxsaday ugu celinay.”

Mr. Af-guduud ayaa sheegay inaanu jirin warar hore gaadhiga ula xidhiidhiyey inuu lahaa Madaxweyne-xigeenka Puntland, oo warbaahintu hore u faafisay. “Gaadhigaa waxa lahaa ciidanka dembi-baadhista (CID)-da ciddii ku doodaysay ama tidhi Madaxweyne-xigeenka lahaa, warkaasi maaha mid jira, gaadhi booliiska Puntland leeyahay ayuu ahaa, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaan ka codsanay, waanu noo soo celiyey.”

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa hore usheegtay in gaadhiga ay celiyeen uu lahaa madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland halka ay imika Puntland sheegtay in gaadhiga uu lahaa ciidan Booliska Puntland.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews