berberatoday.com
Somaliya Oo Laga Bilaabaayo Sahamin Shidaal Oo Dhinaca Badda Ah
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdsho(Berberatoday.com)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Shirkadda Spectrum ASA ay si guul ah ku soo gaba-gabeysay xog uruurintii (2D seismic data) ay ka waday dhul badeedka koonfurta Soomaaliya.

shidal

Shirkadda Spectrum ASA ayaa bishii September ee sanadkii 2015 oo dowladda Federaalka ah la gashay heshiis ku saabsan xog uruurin ay ka sameyso dhul badeedka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu sheegay in intii uu socday xog uruurintan ay waday shirkadda aanu jirin wax dhibaato ah ama amni dari dhacay.

Dhul badeedka xogta laga uruuriyay waxay la eg tahay 20,582.75 Km, waxaana Xogtan cusub ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 km, taasoo la soo uruuriyay sanadkii 2014.

Labada xog ee la soo uruuriyay ayaa waxay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed.

7 xubnood oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo bartay cilmiga geology (geo-scientists) ayaa ka qayb galay xog uruurinta, kuwaasoo tababar lagu siiyay sida maraakibta xogta u uruuriyaan.

Sidoo kale dadka tababarka soo qaatay ayaa la sheegay inay aadi doonaan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo oo lagu bari doono xarunta Spectrum ku lee dahay sida loo fasiro xogta.

Shirkadda Spectrum ASA ayaa bilowday in xogtan ay fasirto, iyadoo diyaar noqoneysa dhamaadka sanadkan, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baahin doonta natiijada xogta shidaal ama gaas ee laga soo uruuriyay badda koonfurta Soomaaliya.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews