berberatoday.com
Suldaan Xasan Oo Ka Digay Gaabis Ka Muuqda Diiwaangelinta Hargeysa
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Diiwaangelinta ka bilaabantay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay in ilaa hadda gaabis aad u badani ka muuqdo Diiwaangelinta cod bixiyaha.

Suldaan Xasan

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa Shacabka reer Somaliland kula taliyey inay mid ahaadan, qabyaalada oo sida xun loo isticmaalana ka feejignadaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Diiwaangelintii cod bixiyayaasha gaabis aad u badan ayaa  ka muuqda, waxaanad mooda inay dadkii aanay is diiwaangelinaynin, oo kaadhka cod bixiyaha ee doorashada aanay qaadaynin, goobaha la iska diiwaangelinayana waxa aad ku arkaysaa dad aad u yar, waxa se leeyahay oo Shacabka reer Somaliland uguna baaqaya kaadhka diiwaangelinta ee cod bixinta ee aad ku galaysaan doorashada qaata, oo kaadhka cod bixinta ee  xaqa iyo xuquuqda aad ku codeeynaysaan qaata, oo fursadaas aad maanta haysataan ka faa’iidaysta, ikhtiyaar ayaad u leedihiin in Musharaxa iyo Xisbiga aad doonto codka sii, laakiin fursadaas aad maanta haysataan ha dhayalsanin, hana dayicina, ee ka faa’iidaysta”.

Suldaan Xasan ayaa mar wuu ka hadlaayey qabyaalada wuxuu ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland, waxaan uga digayaa oo aan leeyahay ka feejignaada qabyaalada, waxaad tihiin dad iyo dal isku mid ah, daraf  ilaa daraf gobol ilaa gobol, waxaad isku tihiin hal dal oo ah Somaliland, markaas waxaan idinkula talinayaa oo aan idin leeyahay midnimada iyo jiritaanka Somaliland ilaaliya, waxaan idin leeyahay qaranimada ilaaliya, oo qaranka Somaliland mid ha ahaado, waa dhab inaad tihiin shacab aad u wanaagsan oo qadiyada Somaliland meel adag ka taagan, laakiin aad iskaga ilaaliya qabyaalada iyo qabiilka ood meesha xun ka isticmaashaan, oo qaranimo ku shaqeeya.”

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews