berberatoday.com
Xarunta Dhaqanka Hargeysa”Kulan Lagu Falanqeeyay Xuquuqda Shaqaalaha Iyo Xeerarka Dastuurka Somaliland
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa laguna falanaqaynayay xuquuqda shaqaalaha iyo xeerarka sharciga waxa uga yaalla.

Kulankan oo uu Marti ku ahaa Guuleed Axmed Jaamac  (Guleed Dafac) ayaa waxa lagu soo bandhigay xuquuqda qofka shaqaalaha ahi leeyahay sharciyan iyo waxyaabaha looga baahan yahay loo shaqeeyaha

Guuleed Axmed Jaamac ayaa waxa uu sharaxaad guud ka bixiyay taariikhda  xuquuqda shaqaaluhu heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay,waxaanu sheegay in halgan dheer loo soo maray sidii qofka shaqaalaha ahi xuquuq u yeelan lahaa.

“Bila’aadanku wuxuu ka kooban yahay qof shaqeeye ah iyo qof loo shaqeeye ah,laakiin intaan aduunyadu sidan u casriyoobin wakhtigii hore  dadku waxay u kala qaybsanayaayeen dadka la adoonsado iyo qof qof kale leeyahay,waxaanu qofku ahaa inta badan mid cidi sheeganayso.Laakiin halgan ayuu aadamuhu ka soo galay in la is yeesho,”Ayuu yidhi Guuleed Dafac.

 

Guuleed Axmed Jaamac,waxa uu faahfaahiyay xeerarka shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawlada isagoo si qoto dheer uga waramay xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo xuquuqda uu siiyay qofka shaqeeyaha ah.

“Inagu laba xeer ayaynu leenahay mid wuxuu maamulahaa shaqaalaha rayidka midna shaqaalaha dawlada,Xeerka shaqaalaha rayidka ah wuxuu maamula shaqaalaha rayidka ah oo dadku sida ay u badanyihiin ah,marka laga yimaado diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha UN-ta kuwooda sare.Xeerkeena shaqaalah rayidka ah maamulaha,waxa uu ka bilaabmayaa sinaanta iyo takoor la’aanta,oo ah in qofku intaanu shaqada iman ee uu suuqa joogo dhammaan dadka Somaliland joogaa shaqada u simanyihiin oo wada tagi karaan,laakin in shaqada ay u sinaadaan maaha  in afka laga yidhaahda oo kaliya,waxay u baahanyihiin halbeeg looga baahan yahay oo ah ugu yaraan inuu shaqadii Xaysiiyo,kaasina aanu noqon mid dadka kala tagooraya,si dadban iyo si toos ah toona”ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac)

Sharciyaqaan Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in qofkasta oo shaqaale ahi uu leeyahay xuquuq iyo wakhti shaqo oo go’an taasina uu xeerku waajibiyay.

“Dadku markay shaqada yimaadaan wuxuu xeerkeenu siinayaa xuquuq aasaasi ah oo qofka shaqaalaha ahi isla leeyahay ,markaa xuquuqda aasaasiga ahi maaha kuwo baryo ah,maaha kuwo heshiis lagu burin karo,qofka loo shaqeeyaha ahi maaha kuwo uu odhan karo si ka duwan ayaanu ku heshiinay waa kuwo uu xeerku dhigayo oo waajib ah qof kasta oo shaqeeya oo xarumo madax banaan ,waxaana ka mid ah saacadaha shaqada xeerku wuxuu sheegay 8 Saacadood,8 saacadood wixii ka badan xeerku wuxuu u yaqaanaa Wakhti-dheeri waxaanu yeelanayaa waxaanu waajib kaga dhigayaa qofka loo shaqeeyo inuu siiyo 25%musharax aan ka yaran”ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac)

Sharciyaqaan Guuleed Axmed Jaamac waxa uu ka hadlay xeerka shaqaalaha dawlada ,waxaanu sheegay in ay shaqaalahaasi qaranka u shaqeeyaan wax badan oo  waxbadan oo xeerkan kale dhigayay aanu ku jirin waxaana loo eegayaa haynta dawlada.

Gabagabadii,Dadwayne ka soo qayb galay kulankan ka dhacay xarunta dhaqanka ee Hargeysa kuna martida ahaa Guuleed Axmed Jaamac ayaa su’aalo lagu waydiiyay ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo xeerarkeena

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews