berberatoday.com
Damaca Faysal Dhurwaa Iyo Dirirta Jamaal Oo Haddii Aan Dawo Loo Helin Daaqada Ka Saari Doonta Xisbiga UCID
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaaladda Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa aad u sii adkaanaysa marba marka ka dambaysa waxaana uu xisbigu qarka u saaran inuu burburo, kadib markii uu daba dheeraaday khilaafkii waayadii u dambeeyey soo jiitamaayay waxaana uu haatan marayaa meel dhamaad ah oo xisbigu ku gabagaboobi doono haddii aan wax laga qaban.

faysal-jamaal

Dhawaan ayuu guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe sheegay inuu xilkii ka qaaday xoghayihi golaha dhexe ee Xisbiga Xasan Cismaan Sabca, balse garabka Jamaal Cali Xuseen oo uu Sabca ka mid yahay ayaa arrintaasi ku gacan saydhay waxaana ay sheegeen inay Faysal laftiisa dhowaan xilka ka qaadi doonaan, waxaana uu Md Sabca yidhi:

“Faysal in badan  baa waxan lagugu samraayey ee waxaad ku dhimanaysaa waa fudud kulul , labadeenuna weynu is ognahay oo wakhtigaas wakhtigiisii waxeynu isku ogeyn hadii aad ka soo jawaabi weydo waan sheegayaa halkaad ka galayso bulshada markaas adiga ayaa yaqanaa .

Faysal  dib loogu dul  qaadan maayo in uu shandad uu isagu leeyahay ka dhigto xisbigii ,waligay kamaan hadlin horena ugumaan jawaabin isaga oo i eedeynaya lakiin  maanta waxii ka danbeeya  dib loogu dul qaadan maayo faysal waxa uu yahayna umadu wey ogaan doonta ,shirkii golaha dhexe sidiisii ayuu u  qabsoomayaa waxii aad eed gasheyna waa ay kuu yaalan waxaa kuu wanaagsan maanta inta lagaaga xayuubin lahaa gole dhexdii in aad iska casisho oo dib luguugu tudhi maayo ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay xoghayha golaha  dhexe ee xisbiga UCID Xassan Cismaan Sabca .

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID ayaa isaguna dhankiisa sheegay inuu Faysal Cali Waraabe hadda uun god ku sii dhacay, isla markaana uu haatan gawracan yahay, waxaan hadalkii Jamaal ka mid ahaa:

“Waxaan ka arkayay warbaahinta gudoomiyaha oo waraaq soo qoray uu leeahay waxan shaqadii ka joojiyay xoghayihiin golaha dhexe,somaliduna waxay odhan jirtay hada ayuu sii go’ay maydkaa lasii sidaa markaa faysal cali waraabena iminka ayuu sii go;ay, golaha dhexe ayuunbaana awood u leh inay shaqada ka joojiyaan xoghayaha golaha dhexe, bulshada Somaliland wxaan u sheegaya dadkaa u leeyahay shaqada Ayaan ka eryay Faysal xaal baan ka bixinaynaa”

“Waxaan ugu baaqaynaa maxakmada iyo gudida diiwaangalinta ururada inay dacwadayada si deg deg ah u galaan oo ay go’aamo uga  soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID ayaa isaguna isla markiiba jawaab degdeg ah arrinkaasi ka bixiyey waxaana uu sheegay inaanu Jamaal Murashax ahayn Sabcana uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado, waxaana uu Jamaal ku tilmaamay nin murashaxnimo u waashay, Faysal oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaasi wax aan ka jawaabo ma aha in nin weyni warbaahinta la soo hor fadhiistana ma aha anigu wax gaar ah oo aanu Sabca aanu isku ognahay ma jirto Sabca sida golaha dhexe loo doortey ayaa loo doortey sida aan xoghayayaasha kale aan u magacaabo ayaan u magacaabey anaa awooda siiyey oo magacaabey  aniga  ayaana xilka ka qaadi kara oo sharcigu awood ii siiyey hadana falalkii uu ku kacay ayey gudida anshaxu baadheysaa talaabana  waa laga gaadhayaa ”

“Horta waan ka xumahay in aad Jamaal aad musharax ku sheegto  xisbiga UCID musharax ma laha musharaxna ma aha Jamaal insha alleh xisbigu uu sameyn doona musharax  , go,aan aan soo saaro musharax beenin karaa ma jiro  waa nin u waashey  musharaxnimo lakiin musharaxnimada aflagaaado laguma helo tartan iyo akhlaaq baa lagu helaa markaas waxba u jawaabi maayo anigu”

Geesta kale Faysal Cali waraabe ayaa dhawaan ka badheedhay murashaxnimadiisa waxaana uu sheegay inuu doorkani kii sii yahay waxaana uu yidhi “Doorkan  Waa Markaygii  Halkaas  Ayay Itaala” balse Jamaal oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa si kooban waxa uu u yidhi “Doorkan Waa Lays Qalayaa”.

Hadaba marka la isku soo wada duubo warbixintan ayaa aynu ka fahmi karaynaa garabyada xisbiga UCID u dhaqmayaan sidii caruurta isla markaana aan mid gar qaadaynayn iyo in xukuumadda, golayaasha qaranka, waaxda garsoorka iyo guddiga doorashooyinkuba sheedda ka daawanayaan arrintan waxaana uu khilaafkani inyar u jiraa inuu xisbiga saaxadda ka saaro, sidaasna lagu waayo hanti qarankani lahaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews