berberatoday.com
Fadeexad Weyn”Garyaqaankii Guud Ee Qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleeban Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Loo Magacaabay Iyo Caydiid Ilka Xanaf Oo Xilkii Laga Qaaday
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Mudisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Somaliya Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Dawlada Xamar loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo wiigan horaantiisii iskacasilay Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Somaliland isaga oo Muqdisho Kusugana waraaq iscasilaada usoo diray Madaxtooyada Somaliland kagana codsaday in laga aqbalo iscasilaadaas uu dalbaday ilaa hadana aanay Madaxtooyadu wax wara ka soosaarin.Garyaqaanka

gudiimiyaha maxkamada somaliaya

Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo dheer sanado badan ah.

Madaxweynaha Somaliya ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa oo weynaatay gaadhyna 85-sano sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo mudooyinkii udanbeeyay fasax kaga maqnaa shaqada garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland balse dhawaan markuu balan qaadka jagada helay warqad iscasilaada usoo diray Madaxweyne Siilanyo sidoo kale waxa laleeyahay ama loo qaadan karaa inuu Magacaabista masuulkan Madaxweyne Siilanyo lug ku leeyahay maadama oo uu garyaqaanku mudo ku sugnaa Muqdisho madaxweyne Siilanyo iyo xukumadiisuna ka warhaysay shaqadiisiina ay kusii meel gaadh ahaan ugu sii dhiibtay agaasimihii guud ee hore ee Wasaarada hawlaha Guud iyo guriyaynta Cabdisamad Maal oo ilaa hadana ku meelgaadh ahaan uhaya.

Ninkan Maanta loo magacaabay Gudoomiyaha maxkamada sare ee Xamar Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa garyaqaankii Guud ee Qaranka Somaliland ayaa mudo dalka ka maqnaa isaga oo xilkaas haya waxaanay Xukumada madaxweyne Siilanyo mar la weydiiyay ku sheegtay inuu waxbarasho aqoon korodhsiya ugu maqan yahay dalka Koonfur afrika balse waa beenawday oo mudadaas afarta bilooda waxa uu kusugnaa Muqdisho oo uu xilkan ka raajicinaayay, sidoo kale waxa wax lala yaabo ah oo aan lagu tilmaami karin ogaansho la,aan Masuulkan mudadaas Xamar kusugnaa waana fadeexad qara weyn oo dulhoganaysa Xukumada Madaxweyne Siilanyo ee masuulkani ka talaabay.

Garyaqaanka

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews